Faahfaahinta Weerar Ay Al-Shabaab Shalay Ku Qaaday Wasaaradda Waxbarashada Somaliya

0
517

Picture5Muqdisho(Geeska)-Koox ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa shalay weerar ku qaadey dhismaha ay wada degan yihiin Wasaaradaha Waxbarashada iyo Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee dawlada Somaliya, waxaana ku dhintay dad ay tiradoodu gaadhayso 17 ruux.

Weerarka ayaa ku bilowdey, qarax loo adeegsadey gaadhi, kadib waxaa xigey in rasaas laga maqlo dhismaha, waxaana gudaha u galay ugu yaraan 5 nin oo hubeysan. Sida wararku sheegayaan kuwa weerarka soo qaadey ayaa tiradooda guud ahayd 7 dhalinyaro, waxaana qaraxa gaadhiga ku dhintey labo kamid ah halka 5 ay isku dayeen in ay qabsadaan dbimaha.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Haji Abdiweli ayaa sheegay in 17-qof ay ku dhinteen weerarka oo ay ku jiraan 7- nin oo al-Shabaab ah. Dadka badankiis waxay ku dhinteen qaraxa gawaaadhida ee banaanka wasaaradda ka dhacay, waxaanu sheegay inay ciidanka dawladda Somaliya soo celiyeen gacan ku haynta xarunta la wareegay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Drs. Khadro Bashiir, kuma sugneyn xafiiskeeda wakhtiga weerarku dhacay, Waxaana ay ka baxdey dhismaha wasaaradda wax yar ka hor inta aan weerarku dhicin, waxase weerarka ku dhaawacmay agaasimihii guud ee wasaaradaas.

Waxa weerarkan si rasmi ah u sheegtey ururka al-Shabaab oo uu u hadley afhayeenkooda dhanka ciidanka , Cabdicasiis Abu-Muscab.

Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor taariikhduna ku beegneyd 2 Abril weerar ku qaadey ardey hurada Jaamacadda Gaarisa ee Kenya waxaana ay dileen 148 kamid ah.