Xildhibaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Tirsanaa Baarlamaanka Dalka Somaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay

0
513

Picture2Muqdisho(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan Cabdillaahi Qayaad Barre, oo ka tirsanaa Baarlamaanka wadanka Somaliya.

Xildhibaanka ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, gaar ahaan gobalka Selel, waxaana toogtay kooxo hubaysan. Dawladda Somaliya ayaa sheegtay inay baadhayso dilka marxuumka iyo cidda ka dambaysay.

Darawalka xildhibaanka geeriyooday ayaa sheegay inuu marxuumku u sheegay inuu la balansanyahay dad ay qaraabo yihiin, waxase la sheegay markii ay kulmeen ninkii ay balansanaayeen inuu toogtay nin kale oo la socday.

Maaha siyaasigii u horeeyay ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee isagoo ka tirsan dawladda Somaliya lagu toogto magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, waxaanu noqonayaa xildhibaankii labaad ee laga dilo Baarlamaanka Somaliya sannadkan 2015.