Marxuum Dhugad Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa

0
401

Picture1Hargeysa(Geeska):-Alleh ha u naxariistii, marxuum Cabdilaahi Ibraahim Xirsi(Dhugad) oo ka tirsanaa mudanayaasha aqalka golaha guurtida Somaliland isla mar ahaantaana maalintii Axadii ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey xaabalaha Naasa-hablood ee Hargeysa.

Waxaana aaska marxuumka ka soo qayb galay madaxweynaha jamhuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), xubno ka tirsan golahiisa wasiirada, guddoomiyaha golaha guurtida Md:Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).xildhibaano, madaxda xisbiyada qaranka, hogaan dhaqameed iyo dad weyne kale oo aad u tira badan.

Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Siilaanyo oo ugu horeyn halkaasi warbaahinta kula hadlayaa, ayaa marxuumka ku tilmaamay in uu ahaa geesi ka baxay Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in uu wax badan ka soo qayb qaatay halgankii dib u xoreynta Somaliland, waxaana uu Alleh uga baryey in uu naxariistiisii janatul Fardawsa uu ka waraabiyo una dambi dhaafo.

"Innaa-Lillaahi wa-inaa-Illeyhi raajicuun, maanta halkan waxaanu u joognaa aaska Marxuum Cabdilaahi Dhugad, ninkaasi waxaa uu ahaa nin weyn oo qaali ah, umadda reer Somaliland qaali u ah, waxaa uu ahaa halgamaa weyn, waxaa uu ahaa geesi ah xubin ka tirsan golaha guurtida, aad ayaan u garanayaa oo halgankii dib u xoreynta dalka door weyn ayaa uu ka soo qaatay, dadka kana nin magac iyo sharafba ku dhex leh ayaa uu ahaa, nin geesi ah oo wax walba u quudha umadda iyo qaran kaba ayaa uu ahaa, waxaan leeyahay naxariistiisii Janatul Fardawsa Alleh ha ka waraabiyo."Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamuud Aadan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu Alleh marxuumka uga baryey in uu naxaristiisii janatul Fardawsa uu galiyo."Cabdilaahi Ibraahim Xirsi Alleh ha u naxariisto, nin weyn ayaa inaga tagay, nin waliba maalinta uu tago ayuunba la tabi doona, odey qaran ayaa tagay inaguna waa aynu ku daba jirnaa Illaahay Janada ha galiyo."Ayuu yidhi Md:Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Siilaanyo, hogaan dhaqameed aad u tira badan iyo dad weyne kale oo iyaguna halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa dhamaantoodba ka marag kacay kaalinta muhiimka ah ee uu qaranka kaga jiray, waxaana ay marxuumka Illaahay uga baryeen in uu u danbi dhaafi janatul Fardawsana ku abaaliyo.

Ugu danbayntiina Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), oo halkaasi ka hadlay, ayaa isna dhankiisa waxaa uu tilmaamay in qaranka Somaliland uu maanta ka baxay mid ka mid ah tiirarkii dhaqanka ee ay ku dhisnayd Somaliland, waxaana uu tacsi u diray guud ahaanba shacbiga reer Somaliland geerida ku timi marxuumka awgeed.

"Xaaji Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka mid ahaa tiirarkii dhaqanka ee Somaliland oo maanta inaga baxay, waxaan ka tacsiyadaynayaa qoyskiisii, golayaasha qaranka iyo shacbiga reer Somaliland-ba dhamaantii, waxaan Illaahay uga baryeyaa in uu dambi dhaaf siiyo, naxariistiisii Janatul Fardawsana uu ka waraabiyo."Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro.

Alleh ha u naxariistii, marxuum Cabdilaahi Ibraahim Dhugad, ayaa hilaadii 1927-dii ku dhashay magaalada Oodweyne ee gobalka Daad-madheedh,waxaana uu ifka kaga tagay 89-qof oo isagu jira inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleenba. Isaga oo marxuumku uu ku noolaa muddooyinkaasi magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Hargeysa.

Alleh ha u naxariistee Marxuumka,waxaa lagu xasuusta iyada oo kaalin mugleh uu ka soo qaatay halgankii dheera ee dib loogu xoreynaayey Somaliland, waxaa kale oo uu ka soo qayb qaatay hanaankii dib u heshiisiinta beelaha Somaliland, waxa kale oo u si aada uga dhex muuqan jiray xildhibaanada aqalka golaha wakiilada mudadii uu ka tirsanaa aqalkaasi.

Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi raajicuun, Alleh godka ha u nuuriyo, naxariistiisii janatul Fardawsana ha ka waraabiyo Marxuum Ibraahim Cabdilaahi Dhugad.