Cabdiqaadir Xaashi Cilmi Oo Ka Waramay Natiijada Shirkii Somaliland Iyo Midowga Yurub Oo Uu Ka Qaybgalay

0
518

Picture3Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Guddida Dhismaha jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo caasimadda dalka Bilgium-ka kala qayb-galay kulan dhex maray ururka Midowga Yurub iyo Madax ka socotay Somaliland, ayaa ka waramay maxsuulka shirkaasi uga soo baxay qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland.

Eng. Cabdiqaadir Xaashi oo shalay lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa sidoo kale ka waramay waxyaabaha safarkiisii Yurub uga soo qabsoomay ololaha loogu jiro dhismaha jidka DAWGA-CAD ee waqooyiga Magaalada Hargeysa, kaasi oo meel wanaagsan maraya.

Guddoomiye Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo saxaafadda ugu waramay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya shirkii Bruselss, waxa uu yidhi “Waxa xiiso weyn lahaa inaan goob joog ka ahaado shirkii dalka Bilguim ku dhex maray dawladdeenna Somaliland iyo ururka Midowga Yurub, kaasi oo qadiyaddeenu meel wanaagsan iska taagtey, una baahan in halkaa kor loogu sii qaado. Markii aan London tagey waxaan codsaday inaan qaato dal ku galka Bilgium, markaasaa Fiisaha la ii soo diray, waxaana caddaatey in qadiyaddeenu jirto oo ay dad iyo duunyaba leedahay”

Eng. Cabdiqaadir, wuxuu amaanay sidii ay qadiyadda Somaliland shirkaasi ugu soo bandhigeen masuuliyiintii ka socday Somaliland “Markaa shirkii Bilguim saddexdii qof ee Somaliland ka socdayba si wanaagsan ayay uga hadleen Qadiyaddeena dadkana uga dhaadhiciyeen, waxayna ahaayeen Wasiirrada Arrimaha dibadda, qorshaynta iyo Edna Aaden” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in wakhtigan qadiyadda Somaliland mareyso in muwaadiniinta haysta dhalashada dalalka Yurub ay masuul kasta oo cod ka doonaya waydiiyaan waxa uu hadhow Somaliland u qabanayo “Qof kasta oo haysta dhalashada dalalka kale wuxuu diyaar u yahay in nin kasta oo loo codeynayo ay waydiiyaan annaga maxaad dalkayaga u qabaneysaa, kumana milmaynno siyaasadaha dawladaha”

Guddoomiyaha guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, waxa kale oo uu sheegay inuu haweenka Qurba-joogta ah ka soo qaadey lacag ay ugu talo-galeen dhismaha jidkaasi “ILAAHAY mahaddii dhismaha jidka DAWGA-CAD waxa ugu soo qabsoomay safarkaasi inaan lacag ka soo qaado dumarka (Qurba-joogta ah), lacag fiican ayaan ka soo qaadey, dadkuna aad iyo aad ayay ugu hanqal taagayaan in jidkaasi dhamaado”ayuu yidhi.