Xildhibaan Ka Mid Ah Baarlamaanka Ingiriiska Oo Sheegay Inay Hargeysa U Yimaaddeen Inay Caalamka Tusaan Muhiimadda Aqoonsi La Siiyo Somaliland

0
677

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Gavin Williamson oo hoggaaminayey Wefti ka socda Baarlamaanka Dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa Shalay Socod lug ah ku soo maray Suuqyada Magaalada Hargeysa, halkaasi oo Dadweynuhu ku soo dhaweeyeen.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ay Socodka lugta ku wehelinayeen Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Maxamed Mooge, La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Ictiraaf-raadinta Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo xubno kale oo Weftigiisa ka mid ah, ayaa gelinkii dambe ee Shalay socod lug ah ku soo maray Suuqa Waaheen ee badhtamaha Hargeysa, halkaasi oo uu Dadweynaha dhex qaaday isla-markaana uu salaamay.

Xildhibaan Gavin Williamson oo Telefiishanka SAAB waydiiyey farriinta ay Beesha Caalamka u dirayaan, maaddaama oo ay xilligan ku sugan yihiin Somaliland, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkooda Magaalada Hargeysa ay la xidhiidho inay Beesha Caalamka tusaan ahmiyadda ay Somaliland u leedahay aqoonsi la siiyo.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka jawaabaya su’aasha ah inay farriin u dirayaan Beesha Caalamka, ayaa yidhi  “Sababta aanu halkan u joognaa, waa inaanu Caalamka tusno kiiska Somaliland iyo sida ay muhiim u tahay Aqoonsiga Somaliland..”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in illaa hadda wax wanaagsan la qabtay, horena loo sii soconayo.

Xildhibaan Gavin Williamson oo u ololeeya Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, ayaa sannadkan horraantiisii wuxuu Baarlamaanka UK hor-geeyay dood ku saabsan in Somaliland la aqoonsado, taasi oo Shacabka iyo Dawladda Somaliland u riyaaqeen.

Xildhibaanka oo hoggaaminayey Mudaneyaal kale oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa Khamiistii Socdaal ku yimid Somaliland oo ay weli ku sugan yihiin.

 

Geeska.net/Hargeisa Office