SOOL: Golaha Deegaanka Ee Laascanood Oo Qiiimo Gaar Ah U Jaray Cuntada Bisil Ee Huteelladu Iibiyaan, Si Sicir-bararka Loola Dagaalamo

0
475

Hargeysa (Geeska) – Golaha Deegaanka ee Degmada Laascanood ee Gobolka Sool, ayaa soo saaray amaro ay qiimo gaar ah ugu jarayaan cuntada bisil ee hudheeladu iibiyaan.

Maayarka  Magaalada Laascanood Cabdixakiim Cali Ismaaciil, ahna Guddoomiyaha Golaha degaanka oo warbaahinta la wadaagay go’aamadan ay soo saareen, ayaa sidoo kale sheegay inay Gole deegaan ahaan ay amaro ka soo saari doonaan Bakhaarada iyo Meheradaha waaweyna waxaanu yidhi “Hudheelada Laascanood saxanka bariiska ah waxay siinayaan hal doolar, oo aanay waxba dheerayn, saxanka baastada ah waxay siinayaan hal doolar oo aanay waxba dheerayn, saxanka suqaarka ah waxay siinayaan laba doolar iyo badh, saxanka hafaynka ah waxay siinayaan saddex doollar, wasladda hilibka ah waxay siinayaan toddoba doolar iyo badh, intaa la jaangeeyay ciddii wax dheeraysiisa waxay mutaysanayaan ciqaab, waana eedaysanayaal, waxaana ku war gelinayaa Shacabka Laascanood”.

Mar uu ka gadlaayey bakhaarada iyo meheradaha waaweyn ee wax lagu iibiyo iyo amar ay ka soo saari doonaan wuxuu yidhi “Waxaa noogu xigi doona Meheradaha waaweyn, Bakhaarada ama Super Marketyada, anagoo kaashanayna Wasaaradda Ganacsiga, oo aanu iska soo galno Ganacsiga, cid kasta oo ganacsato ah waxaanu ka codsanaynaa in aanay dadkooda dibin daabyeyn  oo qiimaha iyo wuxuu wax kaga iibinayo uu ugu naxariisto…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office