Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Sheegay In Aanay Suurto-gal ahayn In Gaashaan-buurta Loo Yaqaano ‘Jeegaantu’ Mar Saddexaad Ku Soo Noqdaan Xukunka

0
443

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka hadlay doorashooyinka dalka ku soo foolka leh iyo danaha siyaasadeed ee Beelaha Somaliland.

Wasiir Sulub oo u warramay Telefiishanka SAAB, ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey inay suurto-gal tahay inay Beelaha Dadka qaarkood u yaqaannaan ‘Jeegaantu’ ay isku kaashanayaan inay mar saddexaad xukunka Somaliland ku soo noqdaan, ayaa sheegay in aanay arrintaa suurto-gal ahayn, maaddaama oo labadaa Beelood ay xukunka dalka u kala dambeeyeen iyagoo ku soo baxay hab iskaashi ah.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Jeegaanta Macnaheedu waa Gaashaan-buur, wax laga saso maaha, gaashaan-buurna Adduunka oo dhan baa u baahda, Dawladaha waaweyn ee Maraykan iyo Ruush mid walba wuxuu leeyahay Gaashaan-buur, markaa Anigu Gaashaanbuurta jeegaanta loo bixiyey Anigu sas kama qabo oo Raganimo ayaan u haystaa, Waayo? sidaan Ragganimada ugu haystaana waxa weeyaan, ninku markuu doonayo inuu meel gaadho tabtii uu ku gaadhi lahaa ayuu sameeyaa, Dad buu samaystaa, markaa Gaashaan-buurtaa waa lagu faa’iiday, waxa lagu gaadhay Kursiga wakhtigii Siilaanyo, qoladii kalena way ku faa’idday oo Muuse ayaa soo baxay, waanu ku dayan karaa Ninkii (Wax doonayaa), Waayo? had iyo jeer ninkii wax ah baa wax lala noqdaa, waxaanan is leeyahay wakhtigeedii wuu dhamaaday, mar haddii labada Qolaba ku faa’iidday, markaa faa’iido saddexaad kama muuqato, Dadka Dadka qaar ka sheekeeyaan ee ah iyagaa wax isku celcelinayana wax caqliga galaysa maaha, Anigu waan ku faraxsanahay inay dib u heshiiyeen (Madaxweyne Biixi iyo Maxamuud Xaashi), laakiin heshiiskaasi heshiis guul-daro u keena Somaliland ma noqonayo, inay isku celceliyaan (Xukunkana) waa waxaan dhici karaynin, hadday labadii Jaanis qaateen, Jaanis Cid kale qaadan maayaan, laakiin Ciddii kale ee wax hunguraynaysaa iyadu ha is habayso iyo siday Dadka u kasban lahaayeen..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office