Xildhibaan Ka Hadlay Wasaarada KMG Ahaan Loogu Xil Saaray Wasiir Sacad Cali Shire

0
644

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan aragtidiisa ku waajahan xilka sida ku meelgaadhka ah Wasiir Sacad Cali Shire loogu xulay inuu wasiir ka soo noqdo wasaaradda qorshaynta iyo arrimo kale.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay xilka Wasaaradda Qorsheynta ee sida ku meel gaadhka ah loogu magacaabay Sacad Cali Shire, ayaa yidhi “Sacad Cali Shire markii hore isaga ayaa Wasiirka Qorsheynta ahaa,Qorsheyntuna waa halka dhaqaalaha oo dhan jihaysa, oo nin cilmi leh ayey u baahan tahay, ee ILLAAHAYNA caafimaad ha siiyo Wasiirka Qorsheynta, mar haddii loo sii magacaabay Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire waa iska caadi,  isaga cid u dhaanta oo ka khibrad badan oo Xukuumadda ku jirtaa  waxaan filayaa in aanay jirin”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Doorashada qabsoomideeda waxyaabo badan baa ka horeeya, oo laba Xisbi oo qudha Doorasho ma qabsan karaan, oo Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga UCID ee ku lamaan, Doorasho ma qaban karaan, waxaanad mooda in labadan Xisbi ay isku mid noqdaan, Xisbiga Waddani-na wuxuu soo jeediyey in Komishanka hadda jooga in la bedelo, oo Komishan kale la magacaabo, markaas anigu waxaan odhan lahaa Doorashadu waxay ku qabsoomi kartaa marka kowaad in saddexda Xisbi heshiiyaan, oo ka wada hadlaan Doorashada iyo qabsoomida, mar labaad in Komishankan la bedelo, oo Komishan lagu wada kalsoon yahay oo Xisbiyadu u siman yihiin la keeno, mar saddexaad in la sameeyo saami-qaybsigii kuraasta Gobolada dalka, madaama ay jiraan Gobolo raba in Saamiga ay xaqa u leeyihiin ay u leeyihiin la siiyo, madaama ay hore Maxkamadda Dastuuriga ahi u go’aamisay, iyo ta afaraad oo ah in go’aan midaysan oo heshiis lagu wada yahay oo raali laga wada yahay in loola tago Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashada, si loo helo kharashkii ay ku bixiyaan Doorashada, balse haddii ay Xisbiyadu kala afkaar noqdaan Wadamadaasi kharasho Doorasho bixin mayaan, Doorashaduna dib ayey u dhacaysaa, laba Xisbina Doorasho ma qabsan karaan, oo waa qayrul dastuuri”.

Mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayaa yidhi “Xukuumaddani dadkii ay xukumaaysay, ee muwaadiinta ahaa,ee is wada jeclaa, ee dalkooda wada ilaashanaayey, ayaad mooda inay siyaabo kala duwan ula dhaqmayso, oo qaarna ay u muuqataa inay Xukuumaddu leedahay inaga caadiya, qaarna la soo dhaweeysanayo, ficilka ka muuqdaana waa dadka kala fogee, tusaale ahaan Beelo meel wada dega ayaa leh waanu shiraynaa, markaas ayaa la leeyahay yaanay shirin, Suldaan baan yidhi waanu shiraynaa, oo dantayda ayaanu ka shiraynaa, markaas ayaa meel walba lagaga kacay, markaas Madaxweyne waxaa laga rabaa in dhibaatooyinka dalka ka taagan aad wax ka qabato, oo dadka sii kala fogaanaya  aad isku keento, ta kale waa khalad in nina nin xabad ku dhufto, qof mudaraadayana xabad laguma dhufan karo, oo Barlamaanka ayaa ansixiyey, cid kasta oo cid dishana waa in sharciga la mariyaa, oo Maxkamadda la saara, si looga hortago fidno dhalata”.

Mar uu ka hadlaayey Puntland ayaa yidhi “Ixtiraam ayaa looga baahan yahay Puntland, waxaana looga baahan yahay inay ixtiraamta xadka noo dhexeeya, maxaa yeelay xadka Somaliland ee isticmaarku dhigay waa la garanaya, cid bedeli kartaana ma jirto, Wadamada Afrika oo dhana xadka uu isticmaarku dhigay ayaa u dhexeeysa,xoolaha iyo dadku se wey u kala guuri karaan, oo halkii doog kolba leh ayaa loo guurayaa, oo waa la wada degayaa, laakiin waa caqli xumo haddii la yidhaahdo halkii reerkaygu degaaba waa xududkayga, waxaasina wax laga yeelayo maaha, dadka degan Gobolada Barriga Somaliland waa dad reer Somaliland ah, balse haddii ay Puntland tidhaahdo waan ku dagaalamaya Goboladaas oo reerkayga ayaa dega, waa laga hor tagaya, si wanaagsana waa loo difaacaya Dalka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here