Weriye Axmed Aadan Rooble Oo Ka Hadlay Xadhiga Walaashiii Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
840

Hargeysa(Geeska)- Axmed Aadan Roobel  oo ka mid ah saxafiyiinta Somaliland, islamarkaana ay wada dhasheen Safiya Aadan Rooble  oo dhawaan loo xidhay taageero u muujisay Iiraan ayaa sheegay in aanay xaaladeeda caafimaad ahayn mid sax ah, isla markaasna ay xukuumadu ku degdegtay inay xidho.

Weriye Axmed, oo la hadlay  laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in aanay ku hadal af dawladeed ee ay ka hadashay fikirkeeda uun isla markaasna aanay xaaladeeda caafimaad ahayn mid wanaagsan waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Xadhiga walaalo waxa uu dhacay Axada 28-kii Ramdaan ayay ka hadashay arinta Iiraan iyo u dhaxaysa Maraykanka si guud ayay uga hadashay dabadeedna maalintaas maalintii ku xigtay ee ciidu bari oo kale soo galayso ee isniinta ayaa laba xaajiyadood oo ciidanka booliska ah ay ka wareegeen gurigeeda, marka hore waxa ay ka hadashay maanu ogayn ee markan danbe ee la xidhay ayaanu ogaanay, inantu caafimaad ahaan dhawr jeer ayaanu gaynay oo hore ayay u xanuunsatay marna Gaboose ayaanu gaynay marna Cilaajka laakiin qof ahaan qof gurigii dhaqanaaya ayay ahayd, balse qof xaaladiisa caafimaad aanay deganayan oo dhawr jeer xanuunsaday ayay ahayd.”                                                                                                                                    Axmed Aadan Rooble wuxuu intaas raaciyay “ Waa gabadh reer,caruur iyo odayba leh oo odaygeediina waa uu joogaa oo cimrada ayuu hadda ku maqan yahay laakiin waa gabadh reerkeedii dhaqata. inantu rayul caamka ayay ka mid tahay oo dawlada kamay tirsanayn  xil Somaliland ahna kumay hadlayn, runtiina waxaan u arkaa macno cabudhin ah oo kale arimii la hadal hayay ayuunbay hadashay oo ilaa shirkii Sucuudiga ayay ka hadlaysay qof ahaana qof islaam ah oo dareenkaas islaamku uu sii jiitay jacaylkaas uga hadlaysay ayay ka mid ahayd,laakiin wadankeena waxa laga yaabaa in bacda iyo shakigu inagu faro badan yahay oo la shakiyaayo haddii uu qof hadlo maxuu xidhiidh la leeyahay.”

Axmed Aadan Roobel  ayaa sheegay in ay xadhigan kala xidhiidheen laamaha amaanka “  waan la xidhiidhnay maalmii fasaxana waa ay ku beegantay ilaa hadana waa lagu jiraa, waanu waydiinay oo waxa ay noo sheegeen arintaas Iiraan ee ay ka hadashay uun loo xidhay, waxaan ku qanacnana waa ay noqon weyday, ma jecli inaan dhaleeceeyo laamaha amaanka laakiin waxaan halkan talo uga dirayaa inay ka fiirsadaan intaanay wax xidhin, laakiin hadii qofkii oo aan xaaladiisa la hubin ama caafimaadkiisuba aanu sax ahayn la xidho.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here