Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah Ee Ingiriiska Oo Somaliland Ku Tilmaamay Mucjiso Ku Dhex Taala Badweyn Dhib Badan

0
2028

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso yar oo ku dhex taala bad qas iyo dhibaato badan, waxaanu sheegay inuu Ingiriisku taageeri doono doorashada soo socota ee Baarlamaanka Somaliland.

Xoghaye Stewart, ayaa hadalkan ka sheegay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska oo uu toddobaadkan xildhibaan Stephen Doughty oo ah xoghayahah koox xildhibaano ah Ingiriis ah oo ku midoobay magaca “all-party group on Somaliland” APPG oo taageera una dooda qaddiyadda Somaliland, uu ku weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa  talaabooyinkiisa ay wasaaradiisu qaadayso ee ay ku taageerayso doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland iyo weliba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa wuxuu Wasiir Stewart, sheegay inuu Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Biixi ka hor intii aan Madaxweynaha loo dooran, isagoo sheegay in Ingiriisku wax badan la qaban karo Somaliland, waxaanu Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Ingiriisku su’aashaas kaga jawaabay oo uu yidhi “Marka hore aan uga mahad-celiyo APPG  shaqada ay ka hayso Somaliland. Sida ay dhamaan xubnaha Golaha ka tirsani og yihiin, Somaliland waa guul cajiib ah. Soomaaliya lafteedu waxaay soo martay xaalad aad u adag, Somaliland na waa mucjiso yar oo ku dhex taal bad dhib badan. Si dhow ayaanu Somaliland ugala shaqaynay doorashadii madaxwaynenimo ee u danbaysay, waanu taageeri doonaa doorashada baarlamaanka cusub. Booqashadii u danbaysay ee aan ku tegay Somaliland, waxan nasiib u helay inaan la kulmo mudanaha hadda ah madaxwaynaha. Waxa jira wax badan oo aanu qaban karo. Waxayna ii noqon doonta farxad hadaan la fadhiisto mudanaha si aan ugala hadlo arimahaas.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here