Xildhibaan Ka Hadlay Shaqada Ciidamada Bilayska, Ammaanna U Jeediyey Fadal Iyo Warancadde

0
630

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa sheegay in Ciidamada kale duwan ee dalku ay mar walba heegan u yihiin ilaalinta amniga dalka iyo dalka, isla markaana aanay mudnayn in la dhaliilo, oo wax aanay gayin laga sheego.

1

Xildhibaan Budeeye oo daba socday dood maalmihii u dambeeyey ka socotay golaha Guurtida Somaliland oo ku saabsan nabadgelyada, taas oo xildhibaannada ka qayb qaatay qaarkood dhaliileen haayadaha amniga, ayaa mar uu u waramayey Wargeyska Geeska Afrika waxa kale oo uu ammaan iyo hambalyo u soo jeediyey Askarigii darajada ku helay badbaadinta dadka daadku qaaday, guud ahaan ciidamada Bilayska iyo taliyaha booliiska Somaliland Sareeye Guute Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Isaga oo arrimahaas ka haldayana waxa uu yidhi "Ciidamada kale duwan ee dalku, haddii ay noqoto Ciidanka Qaranka,Ciidanka Booliska, Ciidanka Badda Ciidanka Gaadiidka Waddooyinka iyo Ciidamada kale duwan ee dalku, waxay heegan ugu jiraan, oo ay hadh iyo habeenba u heellan yihiin ilaalinta ammaanka dalka iyo dadkaba, waxay heegan ugu jiraan inay sugaan xasiloonida iyo amniga guud ee dalka, iyaga oo mushahar yar qaata bay haddana qarankooda difaacayaan, markaas innagama mudna in aynu dhaliilno, ama aynu aflagaadayno, waxna ka sheegno, maxa yeelay Ciidanka Boolisku waa kuwaas mar walba gacanta ku soo dhigaya dadka dambiyada geysta, ee  gacan ku dhiiglayaasha ah, aniga oo runtii aad ammaan gaar ah ugu soo jeedinaya Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal imaan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo iyagu xil dheeraad ah iska saaray falalkii ugu dambeeyey ee ahaa dilalka ee ka dhacay dalka".

Dhinaca kalana xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeye ayaa isaga oo ka hadlaya askarigii dhowaan dadka daadka ka reebay ee madaxweyne Siilaanyo uu abaal marinta lacageed iyo dallacsiinta siiyey, waxa uu yidhi, "Waxa aan si gaar ah u amaanaya Askarigii naftiisa u huray in uu daad ka badbaadiyo dad, ajar ayaanu xaga ILLAAHAY ka helay, madaama uu nafo badbaadiyey, naftiisana uu u huray, waxa kale oo aan Madaxweynaha uga mahadnaqayaa dhiirigelinta uu dhiirigeliyey Askarigaas, darajada uu siiyey iyo lacagta uu abaalmarinta u siiyeyba