Saddex Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Jawaabo Aan kala Fogeyn Ka Bixiyey Heshiiska Wadatashiga Ee Muqdiho

0
535

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Saxardiid (Caddaani) ayaa si adag u naqdiyey qodobbo Somaliland khusaynaya oo ku jiray warmurtiyeedkii dorraad laga soo saaray shirkii Muqdisho ee loo bixiyey Madasha wadatashiga qaran Soomaaliy.

1

Wasiir Caddaani waxa uu sheegay in go’aankaas ay isla qaateen dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleeddadeedu uu ahaa mid aan khusayn Somaliland. Dhinaca kalana waxa uu wasiirku sheegay wasiirka in cid Somaliland ka soo jeeddaa aanay magaca Somaliland kaga qayb geli karin hawlaha go’aamadan shirka ku cad.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in qodobbada heshiiska dhinacyada Soomaaliya lagu soo daro Somaliland in ay tahay arrin jebinaysa heshiiskii hore Somaliland iyo Soomaaliya u dhex maray ee ahaa in ay u wada hadlaan laba dawladood. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukumada Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo ugu horreyn ka hadlaya waqifka xukuumadda ee heshiiskaas khuseeya ayaa yidhi, ““Jamhuuriyadda Somaliland marnaba kama mid noqonin shirarka wada tashi ee Soomaaliya. Kan hadda Muqdisho ka socday iyo kuwo kalaba, mana jirto cid ku matali karta magaca Jamhuuriyadda Somaliland shirarkaasi haduu yahay madax dhaqameed, hadduu yahay siyaasi ama maqaam kale oo uu sheeganayo dadkaasi kala gaar ka ahi. Aayo ka talinta Jamhuuriyada Somaliland waxa masuul ka ah oo u xilsaaran dawladda jamhuuriyada Somaliland taas oo horeba u cadaysay mawqifka madaxbanaanida iyo jiritaanka qaranimada jamhuuriyadda Somaliland laguna ansixiyay afti dadwayne”

Dhinaca kalana wasiir Caddaani waxa uu u digay cid kasta oo magaca Somaliland kaga qaybgasha hawlaha heshiiskaas iyo arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay tahay dembi Qaran oo cidda gasha aan loo naxariisan doonin.

Jawaabta xukuumadda Somaliland kuma ay koobnaan wasiirkaas, ee waxaa isna warsaxaafadeed jawaab iyo digniin isugu jira ka soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde oo ku sugan dalka Kenya oo uu shaqo u joogo, waxa aanu war-saxaafadeedkaas wasiirku uga digay madax-dhaqameedka Somaliland in ay ku dhex milmaan arrimaha Soomaaliya. "Shirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Qaranimada Somaliland waa mid Ummada Somaliland ay ka digtoon yihiin .
Waxaana wax lala yaabo ah in Maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta maamulka taagta daran ee Somaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas oo ah mid caal waa ah” ayaa uu wasiir Warancadde ku yidhi war-saxaafadeedkan isaga oo intaas ku sii daray, “Waxaa looga digayaa dhamaanba Madax-Dhaqameedka Somaliland in aan lagu khaldin ama aanay ku dhicin dabinnada ay maleegayaan Maamulka taagta daran ee muqdisho.
Waxa lagu war galinayaa cidii ka qayb qaadata shirqoolada laga maleegayo xamar inay la kulmi doonaan ciqaab adag iyadoo lagu qaadayo khiyaamo Qaran”

Mar kale ayaa wasiiru-dawlaha amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland uu isna la hadlay warbaahinta isaga oo sida war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lagu sheegay in uu sii xoojinayey (Ta’kiidinayey) warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlayey go’aanka Somaliland khuseeya ee shirka Muqdisho waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Shirkii ay ku sheegeen Madasha wada tashiga qolada Somaliya, ee Xamar ay ku soo gunaanadeen, intii ay ka yidhaahdeen Somaliland, waxay yidhaahdeen madax dhaqameedka reer Somaliland ayaa soo xuli doona Barlamaanka madaama aanay si kale u soconaynin sida Gobolada kale ee Somaliya, kuwaas baa matali doona bay yidhaahdeen Barlamankooda, Sheekooyinka qaar in laga weynaado bay u baahan tahay, in laga kore bay u baahan tahay, dantooda maaha oo nin aan la joogin bay Salaada ku xidheen, oo ay imam ka dhigteen, imaam kula joogin salaad ku tukun maayo”

Wasiirku isaga oo diniin iyo u caqli celin isugu daray cid kasta ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ku fikirta ka qaybgalka shirkaad waxa uu yidhi, “Waxa aan uga digayaa dhammaanba cidii ay si kale u gasho ee hogaan dhaqameedkayaga ka tirsan ama hunguri qaado ama si khaldan wax u fahma ama badheedhaba, inkasta oo aanan filaynin inay dhacayso, waxa aan uga digayaa inay talaabada caynkaas ah qaadan oo ay rumaystaan oo ay u dhaqaaqan. Cid kasta oo tagta halkaas oo ka qayb qaadata taladaas waxa uu Somaliland ka qoraanaanayaa dambiile qaran”

Dhowr jeer ayaa ay soo noqnoqotay aadna siyaabo kala duwan masuuliyiin iyo indheer-garad rayid ahiba uga hadleen nidaamka xukuumadda Somaliland muddooyinkii u dambeeyey uga jawaabto arrimaha mudan jawaabta ee kaga imanaya dibadda ama xitaa dalka gudihiisa.

Waxa aana in badan dhacda in wasiirro kala duwan oo isugu jira kuwo arrinta laga hadlayaa khusayso iyo kuwo aanay khusaninba in ay jawaabo ka bixiyaan hadallada ka soo yeedha dhinacyada dibadda ama xisbiyada mucaaradka ee gudaha, arrintaas oo nidaam ahaan lagu tilmaamo is dhex yaac iyo in aanay ku qurux badnayn nidaamka dawladnimo, oo ay tahay in jawaabta xukuumaddu ku koobnaato hadba cidda ku shaqada leh arrinka laga hadlayo.