Soomaali Ka Mid Noqday Tahriibayaal Giriiggu Ku Soo Celiey Turkiga Iyo Kuwo Ku Dhintay Masar

0
554

Ankara (Geeska)- Saddex doonyood oo Turkiga laga leeyahay ayaa tahriibeyaal tiradoodu gaadhayso 200 dib uga soo qaaday jasiiradaha Lesbos iyo Chios ee dalka Giriigga si ay dib ugu soo celiyaan dalka Turkiga oo ay marka hore ka tahriibeen, sida uu dhigayey heshiis muran badan dhaliyey oo 18kii bishii Saddexaad ay kala saxeexdeen ururka midowga Yurub iyo dalka Turkigu.

1

Ewa Moncure oo ah afhayeenka wakaaladda Frontex ee ilaalada xuduudaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in dadka qaxoontiga ah ee la celiyey ay u badnaayeen muwaadiniinta dalalka Pakistan iyo Bangladesh. Dhinaca kalana masuuliyiin ka tirsan booliiska ayaa sheegay in qaxoontiga dib loogu celiyey Turkiga ee laga raray jasiiradda Chios ay u badnaayeen dalalka Afghanistan, Ciraaq, laakiin war uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladaha wararka oo a ka mid tahay Euronews ayaa intaas ku daraya in sidoo kale dadkan qaxoontiga ah ee dib loo soo celiyey uu u jiray, nin dhalashadiisu Soomaali tahay in kasta oo aanay noo suurtogelin in aanu ogaanno deegaannada ballaadhan ee Soomaalida ka uu ka soo jeeday.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Midowga Yurub uu dalka Giriigga u soo diray ciidamo gaar ah oo ka caawin doona dib u celinta qaxoontigan, gaar ahaan ka hortagga wixii rabshado ah ee laga yaabo in ay sameeyaan dadka diiddan in dib loo celiyo.

Heshiiska Turkiga iyo Midowga yurub ayaa dhigaya in Midowga Yurub uu qaabili doono ugu badnaan 72 Kun oo ka mid ah qaxoontiga Suuriya u dhashay ee dib Giriigga looga soo celinayo si aanay ugu tallaabin Midowga Yurub, kuwaas oo laga qaadi doono xeryaha qaxoontiga ee Turkiga, balse dadka inta soo hadhay ayaa xeryahaa ku jiri doona.

Dalka Turkiga ayaa haynta qaxoontiga Suuriya iyo ka ilaalintooda Yurub ku beddeshay dhaqaale Malaayiin doolar ah oo Midowga Yurub bixin doono iyo in lagu daro dalalka Yurub ee wadaaga fiisaha isu-socod ee aan xakamaha lahayn, sidoo kale waxaa loo fududayn doonaa geeddi-socodka wada hadallada uu Turkigu doonayo in uu Midowga Yurub kala yeesho sidii loogu dari lahaa midowgaas.

Dhinaca kalana war uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Quds ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in biyaha badda Midhitareeniyaanka laga soo saaray afar kale oo ka mid ah tahriibayaal doonayey in ay u tallaabaan dalalka Yurub. Maydadkan cusub ee laga soo saaray badda ayaa waxaa ka horreeyey 12 kale oo maalmo ka hor laga soo saaray badda kadib markii ay la dhacday doontii ay ku tallaabayeen, xilli sida la sheegay ay ka baxsanayeen ciidamada ilaalada badaha ee dalka Masar.

Agaasimaha waxda Gurmadka degdegga ah ee caafimaad ee degmada Kafar Sheekh oo shilkani ka dhacay, ayaa wargeyska u sheegay in Afartan qof loo malaynayo in ay la socdeen Tahriibayaashaas hore loo helay, balse aan markaas iyaga maydkooda la helin, isaga oo arrintaas ku sababeeyey xaaladda maydadkan la helay oo sida uu sheegay uu jidhkoodu is beddelay.

Axmed Jansuur waxa uu sheegay in maydadkan badankooda aan la aqoonsan jinsiyadaha ay ka soo jeedaan, maadaama oo aan laga helin waraaqo aqoonsi, balse muuqaal ahaan loo tirinayo in ay Afrikaan yihiin, balse ku jiraan Soomaali.