Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani Oo Eeddo U Jeediyay Xukuumadda

0
639

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo culus u  jeediyey Xukuumadda, waxayna ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sicir bararka taagan, qiimaha sarifka ee kacsan, khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xalliyey, Doorashada Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiillada, Doorashada Madaxtooyada ee foodda inagu soo haysa iyo qodobo kale.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramayay ayaa ugu horeyn Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde yidhi, “Xaaladda uu dalku maanta ku jiro weynu aragnaa, dadkiina waxay la dhiban yihiin sicir barar iyo shilinkii Somaliland oo qiimo dhacay, inta badan waxa la yidhaahdaa maxay Xukuumaddu sicir bararka wax uga qaban weyday, balse anigu waxaan leeyahay waxba kama qabanayso, oo iyada ayaaba sabab u ah in maanta uu sicir bararku halkaas gaadho, oo shilinkeenii iyo lacagteenu qiimo dhacdo, waxa dhab ah in Xukuumaddu mar walba lacag ay soo daabacato,wakhtigaas yar ee kooban ee Doorashada inooga hadhay dadka waxaan leeyahay iska samra, haddii ALLE ka dhigo Xisbiga Waddani ayaa xaaladda idinka saari doonee, musuqa, hantida qaranka ee sida la doona laga yeelayo, is qabsiga joogtada ah ee Masuuliyiinta Xukuumadda ee Xukuumaddani caanka ku tahay iyo siyaasad xumada ay Xukuumaddani ina badday Xisbiga Waddani marka uu talada dalka ku guulaysto meesha wuu ka saari doonaa, hantida qaranku waxay noqon doontaa mid la ilaaliyo, oo la wada leeyahay, oo aan lagu takrifalin, sida la doonana aan laga yeelin, siyaasad wanaagsan, qorshe meel mar ah iyo horumar dhinac kasta ah ayuu dalka iyo dadkaba Xisbiga Waddani u horseedi doonaa insha allaah”.

Xoghayaha Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Dekadda Berbera waxa uu yidhi,  “Markii hore Xukuumaddu kamay fiirsan heshiiska Dekadda Berbera, dano gaar ah ayey eegtay, heshiiskaas aan laga fiirsana, maanta natiijadiisii weynu haynaa, oo waxaynu arkaynaa inay Shirkadii DP World iyo Ganacstadii ay jiq isku yihiin, oo ilaa hadda khilaafkoodii lama xallin, Xukuumadddana maaha Xukuumad u jeeda inay xalliso”.

Xoghayaha Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey khilaafka Wakiillada iyo Doorashada Madaxtooyada waxa la filan karo ayaa yidhi,  “Ugu horeyn ILLAAHAY ayaan uga mahadnaqayaa khilaafkaas Wakiillada ee inaga dhammaaday, mar labaad waxaan u mahadnaqayaa Xisbiga Waddani, oo isku xilqaamay in khilaafkaas ay xal ka gaadhaan, maadaama Xukuumaddii, Guurtidii iyo Maxkamaddii sharci darro iyo boob cad oo dhacay ay isku raaceen, balse haddii Golihii Wakiillada aanu tanaasul sameeynay, oo anaga oo gar leh, danta qaranka eegnay, Doorashada Madaxtooyada, waxaanu kalsooni buuxda ku qabnaa in aanu ku guulaysanayno, oo waliba Gobol walba cododka ugu badan ka helayno, markaas waxaan filayaa in aanu muran gali doonin Doorashada Madaxtooyadu”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiillada ayaa yidhi “Markii horeba Xisbiga Waddani siyaasadiisu waxay ahayd inay soo sharraxaan Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Awdal, si Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladu Gobolka Awdal ay u yeeshaan, Xildhibaanka aanu soo sharaxnayna, Gobolkaas buu ka soo jeedaa, haddii laga guulaystay, oo Axmed Yaasiin Sheekh CalI Ayaanle ku guulaystay xilkan, waanu u hambalyeynayaa, Xisbiga Kulmiye haddii uu gartayna wey fiican tahay”.

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa isna wuxuu yidhi “Khilaafka Wakiilada muddo ayuu soo taxnaa, Xukuumadda oo la rabay inay dhex ka noqoto, oo loo baahnaa inay dib u eegto wixii sababay khilaafkan si loo saxo, Guddoomiyaha Guurtida oo loo baahnaa inuu dhex-dhexaadin ka galo dhinac bay noqdeen, Maxkamadda sare oo loo baahnaa inay si cadaaladi ku jirto u gasho, oo u garsoorto, wey iska leexisay, oo dib ayey Golihii ugu soo celisay, balse waxa is xilqaamay Xisbiga Waddani, oo tanaasulay sameeyey, ALLENA khayr ha siiyey waxa hawshan galay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, iyo Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, isagana waan uga mahadnaqayaa tanaasuulka uu sameeyey, Baashe Maxamed Faaraxna, waan ku bogaadinayaa sida wanaagsan ee uu u hadlay”.

Codyare mar uu ka hadlaayey Doorashada Madaxtooyada iyo waxa la filan karo ayaa yidhi, “Mar haddii aanu tanaasul samaynay Doorashadii Golaha Wakiillada, oo anaga oo sharciyan guulaysanay aanu ka tagnay, macnaheedu maaha in aanu Doorashada Madaxtooyada aanu ka tagayno, Doorashada Madaxtooyada kalsooni dheeraad ah ayaanu qabnaa, Xisbiga Waddani waa Xisbi balaadhan, waa Xisbi qaran oo Bulshada reer Somaliland oo dhami ka muuqato, waa Xisbi haddii ALLE ka dhigo ku guulaysanana hogaanka iyo taladda dalka, Komishana waxaan leeyahay mar walba dhex u ahaada Xisbiyada”.

Xasan Codyare ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa yidhi “Xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada haddii uu helay Axmed Yaasiin, oo ka soo jeeda Gobolka Awdal waan bogaadinayaa, 12 ee uu Golaha Wakiiladu joogay, waa markii kowaad ee uu xilkan helaan Gobolka Awdal, ee waxay ahayd in mar horeba la siiyo, mar haddii aynu qaran sheeganayno, oo Somaliland nahay haddii ALLE ka dhigo Golaha dambe ee Wakiilada waa in xilkan oo kale ay helaan Gobolka Awdal, si looga wada muuqdo taladda dalka”.

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi, “Sicir bararka waa aafo qaran, oo loo baahnaa in xal laga gaadho, laakiin cid iyo xukuumad ka gaadhaysa, oo u jeedaa inay wax ka qabato ma jirto, balse Xisbiga Waddani, ayaa xal ka gaadhi doona”.