Siyaasiga Maxamuud Xaashi Oo Cadeeyay Inuu U Tartamaayo Guddoomiyaha Kulmiye

0
976

 

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaciyay inuu doonayo inuu ku tartamo jagada guddoomiyaha xisiga Kulmiye, waxaanu iska ilaaliyay in isaga iyo madaxweyne Biixi ay marna tartan galaan isaga oo ku gaabsaday inuu doonayo in jagada gudoomiyaha iyo madaxweynaha la kala saaro.

Waxa uu Maxamuud Xaashi sida oo kale ka  hadlay sida uu u arko haddii madaxweyne Biixi xilka guddoomiyaha xisbiga uu ku wareejiyo saaxiibkii wasiir Maxamed Kaahin Axmed,wasiirkan hore ayaa sidan ku sheegay barnaamijka Hal-adayg ee tilifishanka HCTV waxaana la yeeshay wariye Xasan Galaydh

Ma doonaysaa inaad mar uun mustaqbalka aad Somaliland madaxweyne aad ka noqoto?

Waa hubaal inaan leeyahay hami iyo han weyn anigu siyaasada kama soo fuulin fiiqa iyo figta u saraysa  balse waxaan ka soo fantay fiyaarada ugu hoosaysa  waxaan soo qabtay xilal kala duwan maanta waxa ii dhiman waa kursiga dalka ugu sareeya uun, hadii alle ii qadaro.

Wararka soo baxayaa waxa ay sheegayaan inaad loolan aad ugu jirto jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, maanta shacabiga Somaliland ma u cadaynaysaa inaad doonayso jagadaas?

Waxaan ahaa xubiin faro kutirska ahaa ee madaxweyne Siilaanyo kala qaybqaatay bud-dhiga,aasaaska iyo yagleelida xisbiga Kulmiye waxaan ka mid ahaa haldoorkii xisbiga Kulmiye u horseeday guulihi kala duduwanaa ee uu ururada ee uu ugu soo gudbay xisbiga iyo labadii doorasho madaxtooyo  ee 2010-kii iyo 2017-kii uu ku guulaystay, waxaan ka ciidamiyay doorashooyinkaas madaxtooyada darka ceelka meesha ugu cidhiidhiga badan ee loo yaqaan biyo culusta,waxaan si daacadnimo leh ula soo shaqeeyay oo u dhisay  hogaamiyayaashii xisbiga Kulmiye ee iga lahaa mudnaanta iyo miilada, waxaan maanta u arkaa in ay tahay amintii aan hogaamin lahaa xisbiga Kulmiye, sidaas darteed marka xisbiga Kulmiye shirweynhiisa la qabto  hadii alle ogolaado waxaan isku soo taagi doonaa jagada xisbiga Kulmiye.

Ma waxaad doonaysaa in jagadaas aad ku tartanto mise in lagugu wareejiyo?

Mayee waxaan doonayaa inaan ku tartamo

Haddii madaxweyne Biixi uu jagadan isku soo taago ma kula tartamaysaa ?

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi  waxa uu hayaa laba xil mar waa madaxweynii qaranka  marna wa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye,  waxa uu xaq u leeyahay labadaba  inuu mid walba mar labaad isku soo sharaxo , dadka waxa laga yaabaa inay iskaga qaldan yihiin labadaas arimood, madaxweyne Muuse Biixi ma filaayo inuu isku soo taagayo jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye  mar labaad, waxaase filayaa inuu isku soo taagi doono mar labaad jagada madaxweynenimo.

In badan oo haldoorka xisbiga Kulmiye ka mid ah ayaa aaminsan in la kala saaro talada hogaaminta xisbiga iyo talada hogaaminta qaranka, taas oo macnaheedu yahay in aanu madaxweynuu masuuliyada balaadhan ee uu hayo kaga mashquulin maamulka xisiga.

Aan kuugu celiyo haddii uu isku soo sharaxo ma la tartamaysaa?

Horta madaxweyne cidiba lama tartanto aan kuu saxee, laakiin anigu aragtidayda ayaan kuu sheegay Kulmiye arintaasi maaha mid ugub ku ah  ee waa arin curad ah waa uu soo jilay in la kala saaro hogaanka xisbiga iyo hogaanka qaranka  dhib kama arkin dheef  ayuu kala kulmay,aniga aragtidaydu waa sidaas.

Maxamed Kaahin oo ay saaxiibo dhaw yihiin madaxweynaha haddii uu isaga ku wareejiyo adigu sideed u aragtaa?

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed  madaxweynaha waa saaxiib anigana madaxweynaha saaxiib ayaanu nahay, madaxweynahana waxaan rajaynayaa  labadayadaba waa saaxiibkayee uu noo xaqsooro, wasiir Maxamed Kaahin col-manihin  labadayaduba saaxiib ayaanu nahay  waan ku ixtiraamayaa damaciisa xaq ayuuna u leeyahay  aniguna damac ayaan leeyahay rag badan oo Kulmiye ahna damac ayay yeelan karaan, xiligii uu Maxamed Kaahin garta u lahaa ama ku doodi lahaa  in lagu wareejiyo xisbiga Kulmiye waa la soo dhaafay,Maxamed waxa uu qaatay xil wasiirnimo oo shilis  maanta waxa uu ka mid yahay hogaanka xisbiga ee mudo xileedkiisu dhamaaday  ee tiisa lagu tartamaayo, Kulmiye waa xisbi qoodh badan oo aan cidina wax isa siin Karin waxa uu ka dhigan yahay sidii xagalada Geela ee la yidhi xagalo geel wax gunti lagu qaado ka weyn,markaas fursadaas waa laga soo gudbay.

Hadii aad weydo jagada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye maxaad yeelaysaa?

Waxaan ahay siyaasi waayo arag ah  oo yaqaana inay siyaasadu tahay guul iyo guuldaro libna laysma siiyo labadaba waan ku talo galayaa.

 

Duufaan Ku Soo Waajahan Sanaag,Saaxil iyo Selel Oo laga Digay iyo Ciidamada Bada Oo La Amray In Aanay Bada Galin

Hargeysa(Geeska)-Ciidamda badda ee Somaliland ayaa amar lagu siiyay in aanay galin badda  oo ay ku soo waajaahan yihiin sida la saadaaliyay  duufaan xoog badan oo haatan ka bilaabmatay deegaanada maamulka Puntland.

Qoraal kooban oo la oo dhigay boga ciidamada bada ayaa lagaga digay duufaantan waxaana loogu baaqay dadka ku nool Sanaag,Saaxil iyo Selel in aanay bada galin iskana jiraan duufaanka la saadaalinaayo, qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan “DIGNIIN DuufAANO KU SOO WAJAHAN XEEBAHEENA

Waxaan digniin u daraynaa shacab ku nool JSL dufaano xoog leh ayaa ku soo wajahan gobolada sanaag,Saaxil iyo Salel waxan doonaynaa in laga diyaar garoobo ilahay ha inaga dulqaade dhamaan saldhigyada ciidanka badda waxa la faraya in anay badda cidi gali karin inta hawlahaasi socdaan.”

Haayada qaramada midoobay u qaabilsan arimaha bina’aadminimada ee magaceeda loo soo gaabiyo OCHA ayaa shaacisay in roobaabka bariga Afrika ka da’ay  ay ku dhinteen 280 qof halka ay barakiciyeen 2.8 milyan oo qof waxaanay ka sii digeen in dhibaatadu intaas ay ka sii badan karto.

Maamul gobaleedka Puntland ayaa ay hadaba ka bilaabmeen roobab dabaylo wato kuwaas oo aan wali khasaarahoodu aanu wararka soo galin.

 

Abiye Axmed oo diidan in su’aalo la weydiiyo

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inaanu ka qayb gali doonin shir jaraa’iid oo ahaa mid soo jireen ah marka uu guddoomayo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, isbuuca soo socda. Tallaabadan ayaa waxaa cambaareeyey dad badan.

Guddiga Golaha abaalmarinta Nobel-ka iyo madaxa mac-hadka Nobel, Olav Njølstad, ayaa warbaahinta u sheegay in go’aanka Mr Abiy uu dhibaataynayo guddiga.

Mac-hadka Nobel iyo guddiga ayaa qabay rajo ah in Abiy Axmed uu oggolaan doono arrintaas.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Abiy, Billene Seyoum ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Mr Abiy uu ku mashquulsan yahay arrimo xasaasi ah oo ka taagan dalkiisa, kuwaasoo ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Mr Abiy ayaa lagu wadaa inuu tago magaalada Oslo 9-ka bisha December, xilligaasoo ah maalin ka hor xafladda abaalmarinta.

Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay “nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea”.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.

Markii uu Ra’iisal wasaare noqday bishii April 2018-ka ,Mr Abiy ayuu isbadello badan ka hirgeliyay dalkiisa oo loo arkayay qaran ay dowladda gacan bir ah ku haysay.

Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo ay haatan hal sano u buuxsantay waxaa dalka Itoobiya ka socday isbeddello dhinacya badan taabanaya.

Kumanaan maxaabiis ah ayuu sii daayay oo u badnaa mucaarad. Kuwa kale oo dibad joog ahaa ayaa dalka dib ugu soo labatay. Wuxuu soo afjaray collaadii muddo 20 sano ah dalkiisa kala dhexeysay Eretria.

Dr Abiy Axmed oo wax laga weydiiyey sarreynta sharciga hirgelintiisa iney xukumaddiisa dhibaato kala kulantay taasina ay sababtay dhimasho iyo barakac aad u badan oo dhan walba ka dhacay.

 

Ayax ku habsaday gobalka Sool

Ayax xoogleh ayaa soo gaadhey duleedka magaalada Laascaanood ee gobalka Sool kaas oo cagta marinaya daaqa dhulkaasi ka soo baxay xili roobaadkii dayrta.

 

Masuuliyiinta gobalka ayaa sheegay  in ay wada socdaan Ayax waaweyn iyo dhashiisa oo hadda dilaacday, waxaanay ka digeen  hadaan degdeg wax looga qaban in aafo weyn reebi doonin.

Dhinaca kale waxaa laga soo sheegayaa dhul badan sida degmooyinka Caynabo iyo Xuddun oo dhibaato weyn ku hayo dad iyo duunyaba.

 

 

Meelaha qaarkood waxaa la sheegay in loo adeegsadey rasaasta nool taas oo inbadan dhulka lagaga kiciyey siiba degaano ka mid ah Ganbadhe oo bari kaga aadan Laascaanood.

 

Ayaxan ayaa waxaa ay dad waayeel ahi sheegayaan in haatan aan dhibkiisu badnaan doonin balse xili roobaadka soo socda ay dilaaci doonto ugxanta ay reebaan.

 

Xiligan ayaa rajo weyn laga qabaa roobab la saadaalinayo in wiigan ka bilaabmaan guud ahaan gobolka Sool.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here