Xildhibaan Dheeg Oo Sheegay In Tayada Agabka Diiwaangelintu Aad U Liidato

0
569

Picture3Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa tilmaamay in qalabka dadka lagu diiwaangeliyo uu aad u liito, oo dadka qaar qalabka Diiwaangelintu qabanayso, dadka qaarna aanay qabanayn, waxaanu sheegay inuu isagu  isku dayey inuu is diwaangeliyo balse ay suuragel noqon weyday, oo aanay qaban qalabka wax lagu diiwaangeliyo.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) , oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu isku dayey in qaar ka mid ah Wasiirada uu arintan isku dayey inuu u sheego, balse Wasiiradaasi aanay Telefoonka ka qaban, waxaanu Madaxweynaha uu baaqay inuu sida ugu dhakhsaha badan arintan wax uga qabto, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxa aan damcay inaan Shalay Subaxnimadii (Doraad), aan is diiwaangeliyo, waxaana is idhi ka qaado Maxamuud Axmed Cali oo Diiwaangelintu ka socoto, wey I qaban weyday, waxa aan hore u soo arkay oo cabasho fara badan, waxa kale oo aan arkay dad badan oo ay qaban weyday, waxaana is idhi bal soo eeg, oo isa soo sawir, Diiwaangelintana soo qaado, waxa la sheegayana soo eeg, waan galay wey I qaban weyday, waxayna igu yidhahdeen fara dhidid ayaad leedahay, Faraha ciida geli, Shanbo ku soo maydh Faraha, wixii oo dhan ayey igu qaban weyday, Maxamed Axmed Cali meel kale ayuu leeyahay, meeshii kale ayaan galay, sidii oo kale ayey igu qaban weyday,”.

Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shalay (Maanta), ayaan tagay Waaxda Maxamuud Haybe, oo ay ka socoto Diiwaangelintu, sidii oo kale ayey u qaban weyday, qolo Madax ahina wey joogtay, markii aan ku xayraamay,ee aan ku yidhi bal waxa dalka la keenayo eega, ayey igu yidhaahdeen wey ku qabatay ee iska tag, waxaana ogahay in aanay iga qaban.

Dhawaan waxa aan ka yimid Itoobiya, qalabkan la igu yidhi faraha saar ayaa sidaas oo kale la igu yidhi Faraha saar, Tobankaygii Faroodba si toos ah ayey u soo baxeen, isku si ayaa loo qaaday, mar labaad ku celi la ima odhan”.

Xildhibaan Dheeg mar uu ka hadlay Wasiiro uu islahaa arintan wax uga sheeg ayaa waxa uu yidhi “Dhawr Wasiiro oo aan is idhi arintan waxa uga sheeg, oo way ii suurtageli weydayo oo Wasiirka Arrimaha Guddaha oo Lamberkiisu xidhanaa mooye, Wasiirada kale Telefoonka wey iga qaban waayeen, markaas waxa aan doonaya inaan iftiimiyo in qalabkan la inoo keenay in aanu ahayn qalabkii inaga saarayey Diiwaangelinta, kana helaynay Kaadhkii dhalashada ee caqiibada lahaa, mar walbana uma baahnin Diiwaangelintii hore ayaa xun, tan dambe ayaa fiican iyo mid kale ayaa la sameeynaya, haddaba waxa aan haysta Saddex Kaadh oo hore, tana waa tii Saddexaad, marka waxa fiican in Umadda laga hubsado waxa la inoo keenay tayadeeda”.

Xildhibaan Dheeg oo fariin arintan ku saabsan Madaxweynaha u diray ayaa yidhi “Madaxweynaha waxa aan u soo jeedinaya isaga waa laga qaaday ee bal inay isaga qabatay iyo in kale in dabagal lagu sameeyo oo la eego, waxaana leeyahay may qaban, oo dadka kala badh oo badh ayaanay qaban, waxa dadka qaar ay u qabanayso, dadka qaarna aanay u qabanaynin, waa tayo xumo, qalabankana inuu yahay kii aynu u baahayn iyo in kale Dawladdu ha hubsato, oo Shacabka ha ka hubsato, haddii uu qalabkani yahay mid aan ina anfacayn hadda ayeynu dhawnahay ee ha la celiyo”