Sarkaalkii Lagu Toogtay Arabsiyo Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Ka Hadlay

0
536

Picture4Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariisto’e waxa shalay geeriyooday marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali, oo ahaa taliyihii degmada Arabsiyo ee ciidanka Booliska, ka dib markii uu toogtay mid ka mid ah askartii saldhigu.

Marxuumka oo dhaawaciisa la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa markii dambe geeriyooday. Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa wuxuu ku sheegay in Madaxweynuhu sheegay in askariga dilka gaystay sharciga si deg deg ah loogu fulin doono. Qoraalka madaxtooyada ayaa sidan u qornaa “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee  uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay askari  ka mida ciidamadii uu xukumayey ee  Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybada qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xadgudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee  uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.”