Waddani iyo KULMIYE Oo Soo Dhaweeyay In Doorashooyinka Dalka Mar La Wada Qabto

0
577

Picture2Hargeys(Geeska):-Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE iyo WADDANI ayaa si aada us oo dhaweeyey Xeerka ay shalay golaha Wakiilada ku ansixiyeen in lays raaciyo Labada Doorasho ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Md:Jaamac Shabeel ayaa oo ka dib markii ay Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiiladu Ansixiyeen la hadlaayey Warbaahinta ayaa ka hadlay mawqifka ay ka Xisbi ahaan ay ka taagan yihiin in laysraaciyo Labada Doorasho,waxaana uu sheegay in ay arrintani ay tahay arrin ay horeba ka Xisbi ahaan ay uga shaqeeyeen sidii ay laysu raacin lahaa Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka ooh al mar lawada qabanaayo.

"Arrintaasi anaga hada nooma cusba,oo waad ogtihiin Doorashada Baarlamaanku 2013-kii ayaa ay ku beegnayd,Wakhtigaas markii aanu anagu kordhinaynay ee aanu lahayn.Laba Sanadood halagu darro ee aanu ku beegaynay 2015-ka,waxaa ay ahayd in Lays raaciyo Labad Doorasho,si dalku uu Shantii Sanaba Laba Doorasho oo kaliya uu ugalo,Markaa anaga marka hore ayaa ay naga ahayd Istiraajiyada in Labada Doorasho lays-raaciyo,Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Ansaxiyeyna,Waxaa ay u badanyihiin Xildhibaanada KULMIYE.Waxaa ay fulinayeena Siyaasada KULMIYE ayaa uun ay ahayd.Markaa anagu Mawqif cusub oo aanu sheegaynaa ma jiro oo hore Siyaasadii aanu wadnay ayaa ay ahayd"Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde oo isna sida oo kale dhankiisa ka hadlay ka Xisbi ahaan sida ay u arkaan ayaa waxaa uu sheegay in ay si aada u soo dhawaynayaan in Baarlamaanku ay israaciyaan Labada Doorasho ee inagu soo foodka leh,waxaana uu tibaaxay in Xisbiga WADDANI uu muddo dheer ka shaqayanayey sidii ay dalka Doorashooyinku uga qabsoomi lahaayeen.

"Mawqifka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu ka aamin san yahay Xeerkaa ay maanta ansixiyeen Golaha Wakiiladu,waxaanu u aragnaa in ay tahya guul wayn oo umadda Somaliland u soo hoyatay,aad iyo aadna waanu u hambalyeynayaa,Waxaana uu Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu muddo dheer uu ka shaqayanaayey sidii ay doorashooyinku ay wakhtigoodii ay ugu dhici lahaayeen,walibana ay isla mar qudha ay u dhici lahaayeen,aad iyo aadna waanu u hambalyey naynaa"Ayuu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde.