Xildhibaan Dheeg Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka

0
414

Picture7Hargeysa  (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee ay toddobaadkii hore Hargeysa kaga dhawaaqeen siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), waxa uu sheegay in dalku sharci iyo kala dambayn leeyahay, balse cid kasta oo aan urur siyaasi ah sheegani ay dawladda kala hadli karto wixii ay dan iyo maslaxad u aragto.

Xildhibaanka oo xalay Geeska Afrika ugu waramayey khadka Telefoonka, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi  “Dalku sharci ayuu leeyahay, in sharciga laga gudbana maaha, ciddii hadlaysaa haddii aanay odhan urur-baanu nahay dawladda way la hadli karaan”

Xildhibaan Dheeg, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ku dhawaaqay golaha Madaxa-banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranku ay yihiin odayaal “Ragga aan arkayey waxay ahaayeen rag siyaasiyiin ah oo caan ah, markaa wixii ay ku kacaan ayuunbaa dambi ama khayr noqonaya” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dawladdani malaha Mucaarad ku toosiya dariiqa toosan, umana baahnin Mucaarad wax dumiya, waxaynu u baahanahay in qofkii hadlayaa uu tilmaamo oo uu yidhaahdo halkaa iyo halkaa waa lagu khaldan yahay oo ah wax la hubo oo aan hafar ahayn la hafrayo, wixii la qabtayna in la xaqiro maaha, wax jirana in indhaha laga qarsado maaha, anigu Kulmiye ayaan ahay, balana waxaan ku qaaday in meesha ay ku khaldan yihiin aan u tilmaamo.”