Warbixin Fashilisay In Maraykanku Ku Lug Lahaa Inqilaabkii Madaxweynihii Masar

0
529

Picture6Qaahira (Geeska)- Warbixin qarsoodi ahayd oo uu faafiyey talefishanka afka dheer ee Aljazeera ayaa daaha ka rogtay kaalinta weyn ee uu dalka Maraykanku ka ciyaaray qorshihii uu milateriga dalka Masar xilka qasab kaga tuuray Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii abid taariikhda dalkaas si xor ah ay dadku cod dimuqraadiya ugu soo doortaan. In kasta oo tan iyo intii ka dambaysay Inqilaabka Mursi uu dalka Maraykanku ku celcelinayey in uu mawqifkiisu yahay in aanu u kala xaglin dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Masar, haddana waxaa caddaatay in uu Maraykanku lacag aad u badan ku maalgeliyey Masaari siyaasiyiin iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasadda ah oo ka shaqaynayey sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen Madaxweyne Maxamed Mursi.

 

Warbixintani waxa ay sheegaysaa in tobanaan dhukumantiyo xukuumadda Maraykanku leedahay oo si qarsoodiya lagu helay ay dhammaantood xaqiijinayaan in Washington ay lacag siisay siyaasiyiin mucaarad ah oo barnaamijka xoojinta dimuqraadiyadda Bariga Dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ka dalbaday in laga caawiyo sidii xukunka looga tuuri lahaa madaxweyne Maxamed Mursi.

Dadkan uu Maraykanku ku maalgeliyey xil ka tuurista Mursi oo ay warbixintu magacyadooda tirisay waxa ay isugu jiraan kooxaha ugu cadcad ururrada madaniga ah, siyaasiyiin ka mid ah hoggaamiyeyaasha Isbahaysiga la baxay Badbaadada Qaranka, iyo xubno ka tirsan hoggaamiyeyaasha Kiristaanka ee dalka Masar. Kooxdan qorshaha uu Maraykanku ka caawiyey ayaana ay ku jirtay in warbaahinta dalka, bar-kulannada-bulsho ee internetka iyo dariiq kasta oo kale oo suurtogal ah loo adeegsado sidii dadka looga hor keeni lahaa nidaamka akhwaanku hoggaaminayey ee dalka Masar, qorshahan oo guulaystay ayaana sababay mudaharaadadii waaweynaa ee ay abaabuleen kooxahani, oo uu milateriga dalka Masarna aakhirkii ka dhigtay sabab uu ugu soo gabbado inqilaabkii uu xilka kaga tuuray dawladdii Maxamed Mursi.

Milateriga dalka Masar oo ay awood aad ah ku leeyihiin saraakiisha calmaaniga ah iyo kuwa la dhacsan fikirka duqaydii hore ee milateriga oo uu Xusni Mubaarak ka mid ahaa, warbaahinta dalka Masar oo ay si weyn gacanta ugu hayaan kooxaha xidhiidhka la leh dawladihii hore ee milateriga iyo dhalinyaro cusub oo isugu jira Kiristaan iyo kuwo si aad ah ula dhacsan hab-dhaqanka dalalka reer galbeedka iyo weliba maalqabeennada gacanta ku haya dhaqaalaha dalka Masar oo u badan kuwii ka hoos shaqaysan jiray taliskii Xusni Mubaarak, isla markaana aaminsan in dawlad Islaamiyiintu hoggaaminaysa aanay ka heli doonin nidaamyada dhaqaale ee ay ku soo macaasheen ayaa isu bahaystay in ay xilka ka tuuraan dawladdii Maxamed Mursi, oo isaga qudhiisa lagu dhaliilayo in uu kala dhoweystay siyaasyiinta Islaamiyiinta ah ee dalka Masar oo uu si gaar ah u soo dhoweystay kuwa ay isku aragtida yihiin ee Akhwaanul Muslimiinta.

Dhaqaalaha uu Maraykanku ku bixiyey in la rido dawlad si  xor iyo xalaal ah loo soo doortay waxa ay fadeexad ku tahay maamulka dalka Maraykanka oo isagu mar kasta ku dooda in uu xoojinayo dimuqraadiyadda dunida iyo dhowrista xuquuqda aadamaha, waxa aanay muujinaysaa sida ay marar badan u dhacdo in dalka Maryakanku uu lacag ku bixiyo sidii dawlado sifo dimuqraadi ah talada ku qabsaday loogu beddeli lahaa kuwo xoog iyo cudud milateri kula wareega oo cabudhiya ama xoog ku muquuniya cid kasta oo ka hor timaadda.