Xildhibaan Dheeg Oo Farriimo U Kala Diray Guddiga Doorashada Iyo Xukuumadda

0
678

dheegHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda uga digay inay goleyaasha ku soo celiso xeerka ay ansixiyeen goleyaasha baarlamaanku ee dhigaya in doorashada lagu galo astaamo halkii lagaga geli lahaa tirooyin.

Md. Dheeg, oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu eedaymo u jeediyay guddiga doorashooyinka qaranka oo uu ku eedeeyay inay iyagoo dantooda gaarka ah eegaya dabada ka riixayaan in xeerkaas lagu soo celiyo goleyaasha.  “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo, arrin imika ku dhex jira shacabka oo ah xeer la ansixiyay oo ah sharciga golaha deegaanka iyo madaxtooyada oo loo diray dhinaca Madaxweynaha, waxaan maqlayaa in ay qolada komishanka iyagoo aan u arko inaanay danta shacabka ka talinayn ee dantooda ka talinaya ay shiriyeen ururada iyo xisbiyada, waxaanay ka cabanayaan warqadu way balaadhantahay, waxa kale oo ay sheegayaan ma jirtee waxa weeye warqadu way balaadhnaanaysaa haddii astaan laga dhigo, caalamkana inagaa ugu yar, intaas mid ka balaadhan ayay wax ku doortaan, hab ay warqadu u laalabanto ayaa madbacada looga soo sameeyaa oo ay u koobnaato. Waxay ka wahsanayaan keliya kharashka warqadaas tayada wanaagsan leh inay soo sameeyaan oo ay warqadan hore ee tawafka ah iska tuuraan.”

Md. Dheeg, isagoo arrintaas ka sii hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay wax kasta ha qaadatee 80% umadda aanu masuulka ka nahay wax ma oqraan, tirooyinka u dhexeeya 1—225 islaan garanaysaa ma jirto ee waxay garanaysaa hangoolka, gudinta iyo dhiilka laakiin nambaro garan mayso, markaas in umadda lagu ciyaaro oo ujeedo aan macno lahayn oo dan guud ahayn ee dan gaara loo majaro habaabiyo maaha. Waxaan leeyahay wax kasta ha qaadatee waa in la sameeya astaan.”

Isagoo la hadlaya xukuumadda, wuxuu ydihi  “Waxaan xukuumadda uga digayaa shuruucyo badan oo ay soo celisay oo siday doonaan u dhacay ayaa jirta, tan way ku ceeboobaysaa xukuumadu haddii ay goleyaasha ku soo celiso, kharashka meel kasta komishanka iyo xukuumadu ha kaa doonaan, komishankana waxaan u sheeegayaa in ammaantii la amaanay ka dib ay isu arkeen inay goleyaasha ka sareeyaan, madaxtooyadana halka ay doonaan marinayaan, waa sharcigii afraad ee ay yidhaahdaan bedela.”

Isagoo u jawaabay guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo taageeray aragtida guddiga doorashada ee ah in lagu galo tirooyin halkii astaamo lagaga geli lahaa doorashada, wuxuu yidhi “Faysal oo xuruufta u sacbo tumayay ayaan ka akhriyay Wargeyska Geeska Afrika, beesha uu ka soo jeedaana 80% waxba ma qoraan waxna ma akhriyaan oo waa mid geela la jooga iyo mid adhiga la jooga, markaas ujeedaduu ka hadlayo iyo waxa uu u hadlayaa waa si gaar ah ee maaha danta umadda uu wakiilka ka yahay iyo danta xisbigiisa toona.”