Madaxweyne Siilaanyo Oo Wakiilada Ka Dalbaday Kalfadhi Aan Caadi Ahayn

0
635

SilanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dalbaday in kalfadhi aan caadi ahayn la isugu yeedho golaha wakiilada si loogu bandhigo codsi uu u soo gudbiyay.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay soo saaray qoraal wargelin ah oo mudanayaasha kaga dalbanayo inay Salaasada toddobaadkan haddii Alle idmo isugu yimaadaan kalfadhi aan caadi ahayn. “Markaan arkay Qodobka 46aad,Faqradiisa 2aad ee “b” ee dastuurka Somaliland. Markaan arkay Qodobka 8aad,Faqradiisa 2aad,Xarafka “b” ee Xeer hoosaadka golaha Wakiilada.

Markaan Tixgeliyay Codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku taariikhaysan 01.08.2012,kuna saabsan in golaha la isugu yeedho kalfadhi aan caadi ahayn.

Waxaa dhamaan Mudanayaasha Golaha Wakiilada loogu yeedhayaa kalfadhi aan caadi ahayn oo furmi doona maalinta salaasada 7da bishan sideedaad,si ay u gutaan ayuu gudoomiyuhu yidhi waajib dastuuri ah.”

Inkastoo aanu guddoomiye Cirro qoraalkiisa ku cadayn ujeedada kalfadhigan, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu golaha wakiilada ku soo celiyay xeer ay dhawaan goleyaasha Baarlamaanku ansixiyeen oo dhigaya in doorashada lagu galo astaamo halkii lagaga geli lahaa tirooyin, kaas oo ay ka qayliyeen guddiga doorashadu. Waxaana la sheegay inuu Madaxweynuhu mudanayaasha golaha wakiilada ka codsaday inay xeerka ka dhigaan in doorashada lagu galo tirooyin halkii lagaga geli lahaa astaamo, laakiin lama oga in golaha wakiiladu taageeri doonaan codsiga Madaxweynaha, maadaama oo ay reer Somaliland u badanyihiin dad aan badankoodu waxba akhriyin oo aan si sax ah u garan Karin tirooyinka qoraalka ah, balse  si cad u garanaya astaamaha murashixiinta.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in haddii la qaato in doorashada lagu galo astaamo ay noqon doonto caqabad hortaagan inay doorashadu qabsoonto, mar haddii ay deeq bixiyayaashu sheegeen inaanay dhaqaale u ahayn.