Ma Ceel Batrool Baa laga Helay wasaaradii warfaafinta?

16
816

Iyadoo la ogyahay heerka uu mudada kooban ee uu joogay wasaaradda warfaafinta gaadhsiiyay wasiirka Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), agaasimaha guudna uu joogay wax bil ka yar,  ayaa waxay dad badani isweydiinayaan ceelka shidaalka ah ee laga helay wasaaradda warfaafinta ee sabab u noqday in wasaaradda la geliyo hantidhawr wejiyo badan.

Waxa ay dad badani isweydiinayaan sababta keentay in la xidho agaasime waaxeed weliba maamulka u haya telefishanka qaranka ee aan wada maamulin wasaaradda warfaafinta. Dad badan ayaa rumaysan inay jirto gacan ka shisaysa hantidhawraha oo hagaysa hawlihiisa shaqo, waana sababta keentay in maalin ka dib si deg deg ah loo xidho Xasan Maxamed Muxumed oo ah shakhsiga keliyaata ee ilaa hadda u xidhan baadhistiisa. Marka ay sidaas tahayna waa ayaan darro iyo ceeb in hantidhawruhu noqdo qof shaqadiisa lala maamulo, madaxtooyada oo la aaminsanyahay inay baadhistan ka dambaysana waxa la gudboon inay si toos ah ugu soo badheedho wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducale oo ay wasaaradda iyo shaqadiisa ka dayso doco docaynta.

Mar kale waxaanu inta jecel horumarka u sheegayna in wasiirka warfaafintu mudadii uu wasaaradda joogay gaadhsiiyay horumar, islamarkaana aanu ahayn shakhsi u qalma in la ceebeeyo shaqadiisa, wiilka Xasan ee xidhana waxaanu hantidhawraha ugu baaqaynaa inuu xorriyadiisa u soo celiyo ama uu dambiga ku cadeeyo. Wasiirkana waxaan ugu baaqayaa inuu u dhabar adaygo wax kasta oo la isku dayo in lagu wiiqo dedaalkiisa.

Farxaan Yuusuf Cali, Hargeysa

Comments are closed.