Xildhibaan Dheeg Oo Cambaareeyay Hawlgalada Dawladda Hoose

0
641

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan golaha guurtida, ayaa dawladda hoose ee Hargeysa iyo xukuumadda ugu baaqay inay joojiyaan hawlgalka ay ku burburinayaan jidadka magaalada islamarkaana ay ganacsatada yaryar kaga rarayaan jidadka caasimadda, kuwaas oo uu sheegay in khasaare balaadhan la soo gaadhsiiyay.

Xildhibaanka, oo xalay u waramay Geeska Afrika, wuxuu cambaareeyay hawlgalkaas oo uu ku tilmaamay mid argagax leh, “Tacadiga lagu sameeyay dadweynaha goobahaas degenaa 21 sannadood ee cashuurta lagaga qaadayay ee imika la baabiiyay waa fal ceeb iyo axmaqnimo ah.” Ayuu yidhi xildhibaanku, waxaanu sheegay inay gurigiisa ugu tageen hooyooyin tiro badan oo ka cabanayay hawlgalkaas oo uu sheegay in khasaare balaadhan lagu gaadhsiiyay hantidoodii, isagoo sheegay in dadkaas laga hor istaagay inay hoteelada ku qabsadaan shirjaraa’id. “Markaa dad caynkaas  laga dhigo haddana loo raaciyo inaanay hadlin oo aanay cabashadooda saxaafadda u bandhigin ee laga manuuco waxay noqonaysaa qarax, waxaanan u arkaa dawladu ha ogaato ama yaanay ogaanin ee in dadka la kicinayo oo dadka iyo dawladda la is nacsiinayo.”

Wuxuu sheegay inay xukuumadu hoteelada dhigtay amar dadkaas lagaga mamnuucayo inay shirjaraa’id ku qabtaan. “Waxaan leeyahay dadkaas haloo bedelo noocaas nooc ka wanaasan, halana joojiyo hawlgalka dawladda hoose, weli way wadaane.” Ayuu yidhi.

Isagoo la hadlaya golaha deegaanka Hargeysa, wuxuu yidhi  “Deegaanka waxaan u soo jeedinayaa, shacabka reer Hargeysa wasiirada may dooran ee waxay doorteen 25 gole deegaan, markaas inaad ilaalisaan ayaa daw la idiinku leeyahay, sharaftiina ilaashada oo ha yeelina wasiir beri shaqada laga eryaayo.” Ayuu yidhi.