“Ma Jirto Sabab Lay Xayiraa, Mar Haddii Aan Is Casilay” Agaasimihii arrimaha dibadda ee is casilay

1
661

maxamuud-RaageHargaya( Geeska )-Agaasimahii guud ee iska casilay wasaarada arimaha dibada Maxamuud Raage ayaa sheegay inuu wali  xayiran yahay isla markaasana aanu garanayan cid uu u xaniban yahay.

Sida oo kale waxa uu Mr. Raage sheegay inaanu jirin wax sharci ah loo soo maray xayiraadda socdaalka laga saaray, isagoo sheegay inuu wasiirka arrimaah dibadu qirtay musuqmaasuqa uu hore ugu eedeeyay.

Agaasimaha hore ee is casilay, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Wali waan xanibanahay warqadahaasuna waxay yaalaan waaxda socdaalka, warqadaasna  wax maxkamad ah lama soo marin, markaan doonay in warqadii lay siiyana taliska CID-du waxa  ii sheegay in aan isaga gacanta laga soo saarin wax warqada ah, laakiin telefoon  uu wasiir ku soo amray xayiraadaas.” Ayaa uu yidhi, waxanu isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Sida dadka reer Somalilandba ay u arkaan ma taalo sabab xoriyada layga qaadaa, waayo shaqaan ka tagay anigaana go’aansaday sababtaan uga tagayna wan sheegay, oo waxay ahayd lacagta umadda laga qaatay, wasiirkiina wuu qirtay oo waxa uu yidhi lacagta badhbaan hayaa safaaradahana waan xidhay, hadduu wasiirkii qirtay aniguna aan shaqadii iskaga tagay, sabab xoriyada layga qaadaa meesha ma taalo.”

Sida oo kale waxa uu Maxamuud Raage sheegay in hanti dhawrka qaranku uu hore ugu jiray wasaarada oo uu baadhitaanka waday “Hanti dhawarku wasaarada dee hore ayuu ugu jiray muddo saddex bilood ahna waa uu ku jiray, wax indhihiisa ka qarsoonina ma jiraan, wax walbana waa uu ogyahay, hanti dhawr uu wasiirku galiyayna muu ahayn, iyada taas laftigeeduna qalad bay ahayd inuu wasiirku yidhaahdo anigaa galiyay hanti dhawrka wasaarada, waayo hanti dhawrka madaxweynaha ayuunbaa galin kara wasaarada.”

Maxamuud Raage oo ahaa agaasimahii guud ee wasaarada arimaha dibada ayaa muddo ka hor xilkaas iska casilay isaga oo soo faqay musuq xoogan oo uu sheegay inuu ka dhex jiro wasaarada arimaha dibada, inkastoo uu wasiirka arrimaha dibadu beeniyay.

Comments are closed.