Rayaale iyo Axmed Yuusuf Oo Iska Saamaxay Khilaafkii Dhex Galay

0
605

rayyas1Hargeysa(Geeska)-Is-mariwaagii u dhexeeyay guddoomiyaha UDUB iyo ku xigeenkiisa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, ee salka ku hayay khilaafka kala qaybiyay xisbiga UDUB ayaa u muuqda in dawadiisii si fudud loo helay.

Xubno ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga UDUB, una badnaa xubnihii taageersanaa Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shalay magaalada Wajaale kaga hortagay Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka soo laabtay shirkii London, waxaana sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika ay u bandhigeen tallo ay gaadheen oo ah inay wada hadlaan Daahir Rayaale Kaahin, islamarkaana ay si toos ah u tagaan guriga Daahir Rayaale Kaahin ee Hargeysa si ay isu salaamaan jawiguna isugu bedelo wanaag. Waxaana la sheegay in dood iyo falanqayn ka dib uu Axmed Yuusuf Yaasiin aqbalay go’aanka ay xubnahaasi u soo jeediyeen, waxaanu warku sheegay in Axmed Yuusuf Yaasiin markii uu Hargeysa soo galay isagoon gurigiisa ku leexan uu toos ugu tagay Daahir Rayaale Kaahin, taas oo noqotay mid fajaciso ah, waxaana la sheegay inay  salaam gacaltooyo iyo asxaab kala raagtay muujinaysay isku qaabileen, iyagoo isweydaarsaday hadalo kooban, waxaana la sheegay in la isla qaatay in loo hawlgalo sidii xisbiga UDUB looga badbaadin lahaa burbur iyo inuu ku hadho tartanka goleyaasha deegaanka oo ay ka qayb galayaan 15 urur siyaasadeed oo cusubi.

Khilaafka labadan hoggaamiye ayaa ka bilaabmay doorashadii murashaxa madaxweyne ee xisbigas loo doortay Jamaal Cali Xuseen, waxaana codayntaas oo uu gadhwadeen ka ahaa Axmed Yuusuf Yasiin qaadacay Daahir Rayaale Kaahin. Sidaas oo kale markii uu Daahir Rayaale dalka ku soo laabtay wuxuu si cad u weeraray ka qayb galka shirkii London ee Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu ku tilmaamay inaanu xisbiga ku metalayn ee uu shakhsiyadiisa ku tagay, taas oo uu Axmed Yuusuf Yaasiina ka jawaabay.

Si kastaba ha ahaate kulanka shalay dhex maray labada masuul ayaa u muuqda bilowga wada hadal u furma iyo turxaan bixinta khilaafka xisbiga ragaadiyay, waxaana kulanka shalay door muhiim ah ka ciyaaray xubno ka tirsan guddiga fulinta oo ku dhowdhowaa Axmed Yuusuf Yaasiin.