Xildhibaan Cali-Mareexaan Oo Saldhig Booliska Ka Dhisay War-Cimraan

0
691

 

mareexaabBurco(Geeska)-Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubax) ayaa xadhiga ka jaray salidhig boolis oo uu degmadda War-cibraan ee gobolka Togdheer uu ka hirgaliyay Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Marexaan).

 

Xaflad Baladhan Oo loo qabtay Xadhig ka Jarista Saldhigani oo ka dhacday degmadaasi ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer.Taliyaha Qaybta Booliska, Xildhibaan Cali Marexaan, Maayirka iyo Maayar ku xigeenka Degmada War Cimraan, Cuqaal iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Munaasibadan ayaa ugu horayn waxa ka hadlay Caaqil Jaamac Maxamuud Aden waxaanu caaqilku ka warbixiyay baahida ay degmadaasi u qabtay Saldhigan isla markaana waxa uu si mug-leh ugu mahad-naqay xildhibaanka Saldhigan hirgaliyay .

Taliyaha Qaybta Police ee gobalka Togdheer Maxamed Faarax oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa amaan baladhan usoo jediyay xildhibaanka waxaanu shegay xildhibaankani safka hore kaga jiro, xildhibaanada Somaliland ee ka warhaya baahiyaha bulshadii dooratay.

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Marexaan) oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay qarashka ku baxay Saldhigan iyo iyo baahida ay bulshada deegaankaasi u qabtay ,waxaanu xusay baahiyaha ka jira deegaankaasi ee u baahan in wax laga qabto.

Waxaana ka mid ahaa hadaladii Xildhibaanka “Degmada War Cimraan runtii waa Degmo aad u baladhan.waana Degmo Tarikh leh.Waa halkii Halganka Somaliland Laga Xoreyay Gundhiga u ahayd.Runtii waxaan isleyahay waabay daahday manta inaynu saldhigedii police xadhiga ka jarno.Hirgalinta Saldhiga Police waa astaanta ugu way nee dowlad-nimo.waxa dhamaantiin Reer War Cimraan laydinka bahan-yahay sidii aad u dayac-tiri lahaydeen dhismaha Saldhigani Cusub.”

Ugu Danbayntii waxa munaasibadani ka hadlay Gudomiye ku xigeenka Gobalka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) waxaanu gudomiye ku xigeenku shegay inuu saldhigani yahay mid wax badan ka tari-doona bahiyaha dhinaca amniga ee ka jira gobalka Togdheer.waxaanu sidoo kale xildhibaanka kula dardarmay inaanu ka cajisin howlaha waxqabad ee uu markasta la garab-tagan yahay bulshada ku dhaqan deganada gobalka Togdheer.