Muxuu Daarran yahay Ictiraafkii Maraykanka ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya?

0
583

 

 

 

Picture7

Hordhac

 

Dhibaatooyinka Soomaaliya ragaadiyey 22kii sano ee la soo dhaafay waxay ahaayeen kuwo dadka Soomaaliyeed u soo jiidey halaag iyo murugo badan, caalamka iyo mandaqada Geeska Afrikana khalkhal siyaasi ah iyo aamin darro weyn oo dhinacyo badan ku soo kordhiyey, sida argagixiso, budh-cad badeed, barakac oodaha jebiyey.  Way adag tahay in la qiyaaso tirda dadka naftooda ku waayey, dagaaladii sokeeye ee ay horseedka u  ahaayeen qabqablayaasha dagaal, dhimashadii iyo barakacii ka dhashay faragalintii Maraykanka ee bilwgii 1990dii, abaarihii macaluushii ka horreeyey faragelintaa shisheeyey,  dagaaladii iyo murugadii ka dhalatay dagaaladii ay gadh-wadeenka ka ahaayeen urruradii  diiniga ahaa, sida Al-shabaab, Xisbi islaam iyo Ahlu Suna Wal Jamaaca iyo qabaqablayaashii dagaal ee beelaha hor-fadhiyey. Murugadii iyo ayaan darradii ka dhalatay weerarkii ciidamada Itoobiya kula dagaalamayeen kooxda Islaaminyiinta ee Al-shabaab taasoo marmarsiinyo u noqotay in ciidamada Itoobiya qabsadaaan Muqdisho iyo barakacii argagaxa lahaa ee arrintaas ka dhashay.

Soomaaliya Masrxa ay ku Herdamayaan Dalalka Gobolku

Burburka iyo murugadaas dadka Soomaaliyeed ku habsatay, waxa barbar socday yagleelidii maamulo fadhiid ah oo laga soo dhisayey dalalka deriska, kuwaas oo aanay dhexdooda muwaafiqo ka jirin.

kolkaas siyaasiyan, Soomaliya waxay isu rogtay, masrax ay ku hiradamayaan xoogagga iska soo hor-jeeda ee gobolku, iyo goob ay ka kalluumaystaan sirdoonka dalalka calamka, goob ay ku tarmaan maafiyada, argagixsada iyo kuwa ka ganacsada maandooriyeyaasha, kuwa ka ganacsadaa dadka nool… goob lagu duugo sunta iyo qashinka niyukalarka. Madaxdii Soomaaliyeed waxay noqdeen kuwo si toos ah ama si dadban ugu xidhan quwadahaas shaydaanka ee ay Soomaaliya u jabtay. 

Soomaaliya dhibaatadeedu iyada ha ku koobnaato

Bilawgii, caalamku waa isku day in wax laga qabto, haseyeeshee, markii dhibaatada Soomaaliya ay xadh-ka goosatay, ayaa caalamku qaatay siyaasadii ahayd, “dhibaatada Soomaaliya iyada ha lagu kobo”, hana laga jiro inay dhibaatdaasi ku fatahdo dalalka deriska. Haseyeeshee, waxa siyaasdaas “ku koobida Soomaaliya dhibaatada” fashiliyey, budh-cad badeedkii ka dilaacday badaha Soomaaliya, taasoo muddo aad u kooban gilgishey caalamkii, gaar ahaan danihii reer galbeedka,  iyo urrurka Al-qaacida oo si rasmi ah u degey Soomaaliya, khatarna ku noqday dalalka deriska iyo caalamkaba. Kolkay caalamku yaqiinsadeen inaan dhibaatada Soomaaliya  xuduudaheeda  lagu hor-joogsan karayn, ayay bilaabayaan abaabulida ciidaamada AMISON. Taas oo looga gol lahaa in wax lagaga qabto labadaas arrimood: Budhcad badeedka, iyo burburinta urruradii loo aanaynayey argagaxisada.  Qorshaha reer galbeedka ee Soomaaliya wuxu ka dhigan yahay, habartii ku tiraabtay, “ninkaas xoogga weyni inantayda kama ilmo dhaliwaayine wuu isku ladayaa.” Caalamku marna uma hagar bixn inay Soomaaliya si lilaahi ah wax ula qabtaan.

La macaamilka Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Imminka oo aad mooddo inay beesha caalamku si dhab ah ugu soo jeesteen inay jebiyaan Al-shaab, horumarna ka gaadheen, isla markaan ay dhiseen dawlad aan ku suntanayn, koox diineed, dawlad aanay mayalka u hayn qabqablayaashii dagaal ee 22kii sano ee u danbeeyey ka muuqday shaashada siyaasiga ah ee Soomaaliya, waxa beesha caalamka khasab ku ah inay dawladaas iyada ah u fidiso hiil iyo hooba.

Taas oo ay ugu horreyso, xoojinta ammaanka iyo kal danbaynta, dhisidda iyo tababarida ciidanka amaanka, ka taageerida dawladda dhinacyada dhaqaalaha, ictiraafidda xukuumadda cusub oo loo aqoonsanaya wakiilka sharciga ah ee dalka Soomaaliya. Taas waxay farriin u tahay in dawladaha derisku ka waantoobaan faragelinta qaawan ee Soomaaliya.

Kalsooni Siinta Maraykanka Dawladda Soomaaliya

Si kalsoonida dawladda Soomaaliya loo xoojiyo, Maraykanku waxay u caddeeyeen xukuumadda cusub ee Soomaaliya inay joojinayaan siyaasaddii ay hadda ka hor ku dhaqami jireen ee dual truck, taas oo ay deeqbixiyeyaashu maamul goboleedyada si madaxbanaan ula macaamili jireen, waxay joojiyeen, siyaasadii building blockay ku doonayeen, haddii la waayey dawlad dhexe oo hanata hirgelinta amaanka iyo socodsiinta adegyada bina’aadmi ee dadweynaha gobolada kala duwani u baahan yihiin, inay deegaamada kala duwan ka abaabulaan maamul goboleedyo hawlaha hirgeliya.

Ujeeddada Maraykanku ka leeyahay joojinta siyaasaddii dual track, ka sokow niyad u dhiska xukuumadda Soomaaliya, waxa maraykanku doonayaa inuu siyaasddan cusub ku xakameeyo soo if-baxa maamul goboleedyo tiro badan oo Soomaaliya laga abaabuley, ama hindisahoodii lagu hawlan yahay, iyadoo beryahan danbe, ardaayo koobani (sub-sub clans) ay ku dhawaaqayeen samaynta maamul goboleed iyaga u gaar ah, iyadoo ay weliba muuqato inay arrintaasi abuuri-karto xasilooni darro hor leh,  iska horimaaddo iyo xulufaysi qabyaaladeed oo nooc cusub ahi.

SiyaasaddaDual trackiyo building blockswaxay ahayd qaab lagu awdayey firaaqii ka dhashay maqnaanshaha dawlkad dhexe oo lala macaamili karo. Iminka oo Maraykanku doonayo inuu awood siiyo (empower) dawladda cusub, waxa lagama maarmaan nooqanysa inuu u quus gooyo, kana hor taggo isku day kasta oo lagu yagleelayo maamul goboleed la barbar eryo dawladda.

Hadda wixii ka danbeeya, samaynta maamul goboleedku wuxu noqonayaa mid la jaan qaadaya, kana shidaal qaadanaya nidaamka fidraaliga ah ee Soomaaliya loo dejiyey.

In kastoo qodaxda ama caqabadda ugu weyn ee dawladda uu hogaaminayo Xasan Sh Maxamuud horyaalaa, waa meel marinta, qorshaynta iyo taaageero u helida nidaam fidraali ah.

waxay ila tahay in arrintaasi tahay caqabad ay adag tahay in xal loo helaa. fidraali la’aan dawladdu way heli lahayd qaab ay maamulka ku gaadhsiiso gobolada iyo degmooyinka  xukunkeeda oggol, haseyeeshee, way adag tahay astaynta iyo is-raac raacinta deegaamo iyo qabaa’il uu tartan ka dhexeeya, taasina waxay keeni kartaa in dawladda uu waqtigeedu dhammaado iyadoo aan Xamar dhaafin, gobolada iyo degmooyinkana laysku wada haysto.isku dayida meel marinta fidraaligu wuxu keeni kara inay xukuumada cusubi weydo tiqada iyo kalsoonida beelo badan oo iminka taageersan.

Somaliland Saamayn ma ku leeyahay Ka Digarogashada Siyaasadda Dual Track?

Su’aasha dad badani is weydiiyaan waxaay tahay, Somaliland wax saamayn ah ma ku leedahay ka guuridda dual trackiyo aqoonsiga uu Maraykanku siiyey Soomaaliya?  Jawaabto waa maya. waa tan horee, dhinac kastoo laga eego  Somaliland waa u dan inay Muqdisho ka dhisanto dawladi. Inkastoo aan beesha caalamku Somaliland ictiraafin, haddana waxay qirayaan kuna bogaadinayaan maamulka dawliga ah ee isu dhammaystiran ee ay Somaliland hirgalisey. Waxa beesha caalamku argtaa maamul is dhab ah u hantay masuuliyaddiisii dawladeed ee dhinacayada, sugida ammaanka,  fidinta addegyada aasaasiga ee wax-barashada iyo caafimaadka, cashuur urrurinta, Somaliland oo guulo ka gaadhay tijaabada iyo socodsiinta mabaadiida dimuqraadiga. Waxa beesha caalamku Somaliland u aragtaa meel ay unugyadii iyo hay’adihii aasaasiga ah (basic institutions of government) sida barlamaan, (laba aqal ka kooban), xukuumad, maxakamadaha kala heerka ah, ciidan qaran oo suga xuduudaha dalka bad iyo berriba, ciidan boolis oo suga nabadgalyada iyo kala danbaynta, bulsho rayid ah oo mugle, rug ganacsi oo kulmisa gancasata, meel ay arrimahaas oo dhammi ay ka tisqaadeen.

Beesha caalamka oo Maraykanku ugu horreeyaa waxay ku qanacsan yihiin in geedi socodka ay Somaliland soo jeexday 22kii sano ee tegey ay Somalida inteeda kale wax ka baran karto, waayo- aragnimadeeduna tahay mid qiimo weyn Soomaali oo dhan u leh.

La soco. Cadadka Danbe