Shirkada Al-Harbi Oo Si Rasmiya U Gudoonsiisay Jaa’isooyin Dadkii Ku Guulaystay Barnaamijkii Nasiibka

0
1812

 

 

Picture6Hargaysa( Geeska )-Shirkada Al-Harbi  ayaa si rasmiya u gudoonsiisay kontan qof oo ku guulastay alaabooyin kala duwan, oo ka tartamay barnaamijkii tijaabi nasiibkaaga ee shirkadu ay ku dhiiri galinaysay macaamiisheeda.

 

Barnaamijkan tijaabi nasiibkaaga ayay shirkada Al-Harbi  ka qabtay gobalda dalka, waxaana ku guulaystay dad tiro badan. Hadaba xaflad balaadhan oo hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargaysa lagu qabtay ayay shirkada Al-Harbi  si rasmiya ugu gudoon siisay dadkii ku guulaystay laabooyinkaas.

Waxaana qaar ka mid ah dadkaas oo war baahinta u warmay ay u mahadnaqeen shirkada Al-Harbi, waxaanay ka markhaati kaceen in shirkadu nasiibkan ay dhex iyo waliba daacad ka ahayd iyagana uu guuleeyay nasiibkoodu.

Ugu horayntii Shucayb Macalin Qaasim Maxamed oo ku hadlay afka masuuliyiinta shirkada Al-Harbi ayaa faah faahin ka bixinayay furitaankii xafladaas ayaa si kooban u yidhi“ Dadka maanta nasiibkan helay ee ku guulastay alaabooyinkan aan gudoon siinayno waxaanu leenahay waanu idiinku hanbalyaynaynaa nasiibkiina wanaagsan iyo alaabooyinka aad ku guulaysateen, waxaanay shirkada Al-Harbi ay aad u soo dhawaynaysaa dadweynaha meel kasta oo ay joogaan inay nasiibka danbe ka qaybqaataan, gobalada dalkana waa ay ka jirtaa gudoonsiintan oo nasiibka waa laga galay, waxaanan dadweynaha ku dhiirinaynaa inay qaybaha danbe ka qay qaataan, waxaanu nasiibku bilaabamayaa 1-da bishan soo socota  waxaana loo goosan doona jiwanadii sidii hore , waxaanan ku talo jirnaa 25 bisha soo socota inaan baxino jaa’isado intan aanu baxinay in leeg ah.” Isag oo Shucayb hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Had iyo jeeraale dadku waxay yidhaahdaan idinka ayaa dad gaar ah siiya, waxaanu bulsha weynta Somaliland u sheegaynaa inay tahay arin cadaalad u dhacday  iyada oo cid waliba ay joogto, waxaanan markhaati uga dhignay warbaahinta, culimada, ganacsato iyo dad kaleba dadka hortiisa ayaana nasiibkan lagu tijaabiyay oo qofku si cadaan ah ayuu u helay, may ahayn wax qorsoon.”

Intaas kadib waxa goobtaas looga yeedhay dadkii ku guulaystay nasiibkaas ee alaabooyinkaas xaqa u lahaa, waxaana qof qof  alaabooyinka  gudoonsiiyay Samiir Al-Qadi iyo Yaasin Carab Cabdi.

Hinda Axmed Xasan oo ah haweenay nasiibkeedu uu siiyay  alaabtii meesha ugu qaalisanayd oo ahayd Mooto oo warbaahinta la hadlaysay ayaa tidhi“ Dareenkaygu aad iyo aad ayuu u wacan yahay, waanan ku farxsanahay jaa’isada nasiibkaygu igu guuleeyay,waxaanan halkan dadweynaha uga sheegayaa in nasiibkan uu ahaa mid shirkadu ay ku baxisay si cadaalad ah oo aan cid gaar ah la siin, waxaan ugu guulastay si cad nasiibkan, waa shirkad wanaagsan waanan u mahadnaqayaa.”

Sida oo kale Ayaan Cabdilaahi Cali oo iyaduna ku guulaysatay Laptop ayaa dareenkeeda ku cabirtay “ Aad iyo aad ayaan ugu farxsanahay inaan ku guulaysto nasiibkan, waxaan helay Laptop, waanan uga mahad celinayaa shirkadan, sida cadaalada iyo xorta ah u qabtay barnaamijkan nasiibka ah ee macaamiisha lagu dhiri galinaayo.”