Xildhibaan Cali Aareeye Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Si Adag Ugu Eedeeyay Mushkiladda Ka Taagan Saylac iyo Xariirad

0
518

 

Picture5Hargeysa( Geeska )-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada, ayaa wasiirka arimaha gudaha ku eedeeyay inuu is mari waaga ka taagan Saylac masuul ka yahay.

 Waxaanu xildhibaanku wasiir Duur ku tilmaamay inuu deegaanadaas ka raadsanaayo xildhibaano xaqooda doonaya, isaga oo sheegay in arinta Syalac uu uga daray Wasiir Duur.

Waxa uu sidan ku sheegay Xildhibaan Cali Aareeye shari jaraa’id oo ay isaga iyo xildhibaano kale oo deegaanka Saylac ka soo jeedaa ay si wada jir ah u qabteen, waxaanu ugu danbayntii sheegay in aanay Somaliland ka tagayn beeshaasu  ee ay ku dagaalami doonaan xaqooda.

Xildhibaan Cali Aareeye waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Wasiir Duur oo anigu aan u aqaano wasiir ka dare ayaa tagay Saylac, waxaan ka daba tagnay anaga oo ah xildhibaanada deegaankaas ka soo jeedna in muddo ah markaanu meesha wada joognay ayaa inta uu noo yimid uu nagu yidhi wax kale idiima hayee maayar ku xigeenka ayaan idiin haynaa, waa halkan ka filaynay go’aan kale mar haddii aanu soo bandhignay in aanan doorashada meesha ka dhacday aqoonsanayn, dhulkana xaashiyo yar yar oo la yidhaahdo sanduuq ku rida laguma qaado dhulka dhiig ayaa loo galay oo aboo iyo Oromo ayaanu ka kicinay, waxaanan nidhi ma qaadanayno, aniga ayaana ka jawaabay oo waxa uu igu yidhi Ciise halkaad gayso armaad ka soo celin waydaa, waxaanan ku idhi Ciise xaqiisa ayuu doonayaa sidii shalay SNM xaqeeda u doonaysay waliba waa ay dagaalamaysay ee angau nabada ayaanu ku doonaynaa, SNM-na waanu ka mid ahayn oo halgankaas kaalin laxaad leh ayaanu ka soo qaadanay manaanan filayn maanta tan.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Intaas dabadeed 7 xildhibaan ee Saylac iyo 3 luqhaya ah ayaa is casilay markii dhana loo dhaqaajin waayay ee waxba la odhan waayay garaadkoodana waa ay isku casileen xaqna waa ay u leeyahiin Ciisana waa uu ku raacay meel uu joogaba. Markay mashaqadii Arbacadii ka dhacday halkaas waxa laysku da’yay in Gees la doon doonay oo BBC-da ayaad ka hadashay oo afhayeen ayaad u noqotay intii is casishay waxaas ayaa lagu doon doonay, anagu aad iyo aad ayaan uga xunahay wasiirkan cajiibka ah ee riwaayada dhanka qariban u jilaaya, Geesna sidaas ayaa loo doon doonayaa arbacadii mashaqadaas dhacdayna waanu ka xunahay ( shaqaaqadii Xariirad ) anaga taladayadu waa inaan nabad wax ku helnaa ilaa laga maarmi waayo, waayo lexejoclo weyn ayaan ka qabnaa Somaliland oo meeshayadii ayaanu u qabnaa. Balcad iyo Baydhabo anagu waxba kuma lihin Lughaya iyo Saylac ayaanu leenahay, haddii dhulkayagii reer kale loo dhiibay waxay ka dhigantahay Beel ma tihidin mana yeelayno taas oo waanu ka dhiidhiyaynaa Somaliland ayaanu ku dagaalamaynaa meel kalana uma socono.”