Cali Warancade Oo Ka Digay In Guddiga Doorashada Lagu Aamino Doorasho Dambe, Dushana Ka Saaray Dhibaatooyinka Dalka Ka Aloosan

0
517

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cali Maxamed Warancade, oo ka mid ah madaxda xisbiga Wadani, ayaa ka digay in guddiga doorashooyinka qaranku mar kale qabtaan doorashooyin dambe, waxaanu soo jeediyay in laga tashado.

Md. Warancade, wuxuu sheegay inuu muddo dheer shacabka uga digayay guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inaanay cadaalad samayn karin, isagoo ku eedeeyay dhibaatooyinka doorashadii ka dhashay ee weli dalka ka aloosan. “ Umadda wax badan ayaan uga qayliyay Komishanka dhibkoodiina waa ay arkeen, Shacabkuna, waxa uu istaahilaa inuu mar labaad Komishankan uu ku soo noqdo, waxaanan ogahay in aan nimankan lagu aamini karin doorasho oo aanay cadaalad fali karin, waxa aan u arkaa niman waxa maanta taagan iyagu abuuray, inaga oo dhibtoodii wali og haday walibana iyagii ay maant inala hadlayaan, waabay iska seexdeene hadalka xisbiyadan mucaaradka ah ayay ku soo kaceen, niman waxan u jeedana maaha ee danahoodii meesh waa ay ka fushadeen, haddii la soo toosiyana masiibo ayuun baa la soo toosiyay.” Ayuu yidhi Warancade oo u waramay shabakadda Hadhwanaag, waxaanu mar la weydiiyay go’aanka uu golaha ammaanku cunaqabatayntii hubka kaga qaaday Somaliya uu yidhi  “ Runtii Somaliya maanta dawlad adag oo ka jirtaa ma jirto, waynu ognahay oo Somalilandna maanta madaxweynayaasheeda waa la doortaa, laakiin halkaas waxa loo eegaa qabyaalad, yaa xoog roon iyo yaa laga baqanayaa, niman dawladnimo u habaysan maaha,mana qaadi karaan masuuliyada hubkaas iyada oo aynu ognahay qaylada Kismaayo, gobalada dhexe iyo Puntland oo nidaamka maanta halkaas ka jira ay ka qaylinayaan, hubkaasuna waxa uu noqon doonaa mid ku danbeeya gacanta shacabka Somaliya, waxaanan odhan karaa qaramada midoobay ayaa dhib badan u soo kordhisay, in qabaa’ilka Somaliya kuwana hub loo qaybiyo kuwana loo diidana waxaan u arkaa in mushkiladii dab lagu sii shubay, aniguna waxaan leeyhay qaramada midoobay arintaa dib hawga fiirsato, hubkaasu inagana waa uu inoo soo gudbi karaa waxaanu noqon karaa dhib dhexdeena( Somaliya iyo Somaliland ) ka bilaabmata.”