Cali Cumar Guled Oo lafo-gur Ku Sameeyay Siyaasada Somaliland Iyo Madaxweynayaashii Soo Maray

0
625

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cali Cumar Xasan Guuleed, oo ah mulkiilaha hoteelk caanka ah ee Guled ee ku yaala magaalada Hargeysa, ayaa falan qayn ku sameeyay xaaladda dalku marayo iyo weliba siyaasadaha hoggaamineed ee afartii Madaxweyne ee Somaliland soo maray.

Mudane Cali, oo waraysi siiyay barnaamijka Hal-adeyg ee uu weriye Maxamed Axmed Muse (Kuraase) ku soo bandhigo telefishanka HCTV, a waxa uu Cali Guuleed ku soo bandhigay waayo aragnimada uu u leeyahay taxliilinta siyaasadaha Somaliland iyo weliba hoggaaminteeda. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay loolankii xisbiga KULMIYE dhawaan ka dhex jiray, wuxuu u dhacay sidan:

Cabashooyin badan yaa ka muuqada darafyada Somaliland, waxaana ugu danbaysay Saylac oo cabasho ka muujisay doorashooyinkii deegaanka  adiga aerintaasi siday kuula muuqataa?

Khibradu waa qaali, magaalada Saylac la yidhaadaa waa meel xadaarad fog oo siyaasad fogi ka jirto, waxa la yidhi hashu maankayga gadaye ma maansaar ayay liqday, waar Saylac waxan yaala haddii laga dhigo Ciise iyo Samaroon waan ka soo horjeedaa sidaan uga soo hor jeedo in Kalshaale laba qolo laga dhigo, Saylac taladeedu waa mid dhib yar ayaan qabaa waana dad wada deganaa oo walaalo ah oo wada dagan Itoobiya, Somaliland  iyo Jabuutiba waxa dalka ka dhacayna waad wada ogaydeen oo doorashadii deegaanka waji xun ayaa inagaga soo baxay, runtiina waxaan leeyahay Ciise iyo Samaroonba waar cagta u dhiga oo haddii aad duminta saddexdan dawladood ee aad wada dagtaan aad u jeedaana waanu ka soo hor jeednaa taas. Waanan ka soo hor jeednaa sidaan uga soo hor jeedno waxii kale ee dhismaha dalkan ka hor imanaaya, maanta waxaad moodaa markii wasirika la magacaabay in Buuhoode ay soo dhawaatay, muhiimadun waxa weeye in dadka la soo wada dhaweeyo oo midminada dalkan la wada xoojiyo.

Waad u soo joogtay saddexdii madaxweyne ee hore ugu soo taliyay Somaliland iyo madaxweynaha maantaba, hadaba hadaad eegto keebaad u aqoonsan kartaa siyaasigii ugu wanaagsanaa ee ugu islaaxa badnaa ee Somalilnd Soo mara?

Aan soo qaato Cabdiraxmaan Axmed Cali,  alle hawnaxariistee, safiir buu ahaa gudoomiyahii ugu nasiibka badnaa ayuu ahaa, dalka markii la soo galayna xilka in yar ayuu hayay,  waxa uu ahaa nin aad u dhagaysi badan, waxa ku dhacday nasiib daro isaga oo ah nin waxa uu aaminsan yahay sheega oo intii madaxweyne dalka soo martay waa madaxweynaha kaliya  ee ka badheedhay inuu  fadaraal yahay oo iyada oo qoriga laysku hayo ayuu yidhi waar anigu fadaraal ayaan doonayaa, waxa ku xigay maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal alle hawnaxariistee, nina dadka alle ayaa jeclaysiiya nin deda, Cigaal siyaasada hore ee soo dhacday waxaan ka hayaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo BBC-da ka hadlay markuu dhintay waxaanu yidhi Cigaal Daboolaan is nidhi waanan dabooli kari waynay, markii uu halkan yimi iyada oo aan dadka in badanba aqoon  ayay isku raaceen in Cigaal Madaxweyne noqdo, Cigaal markaan tilmaamana siyaasadiisu ehel ayay lahayd, sidee ayay siyaasadiisu ehel u lahayd gees reerkuu dhashay ayaa ehel u ahaa, geesna abtiyaashii waanu ka nasiib badnaa raga kale, hadaan soo qaato Daahir Rayaale Kaahin Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa gudoomiyahii SNM ayaa la tartamay, waxaana la yidhi Axmed Siilaanyo oo ah gudoomiyahii SNM ayaad Daahirow 80 cod kaga badisay, walina doorasho sideetan cod lagu kala badiyaa dunida kamay dhacin tii Maraykanka ee Ina Bush iyo ninka kale tartameen sideetan kun oo cod ayaa laysku qabsaday, Axmedna waa uu samray, waxaana lays lahaa Riyaale dalkaba dayaxuuu gaadhsiin, laakiin taariikhdiisa kabtan nabad sugid ah ayuu ahaa muu lahayn awood uu ku dhaqaajin karo dawlad. Waxa ku xigay Axmed Maxamuud Siilaanyo laba arimood ayuu helay, oo isaga oo gudoomiyahii SNM ah nabsi maalna ah oo sideetan cod kaga tagay ayaa xilka la saaray dadkuna amaan badan oo xillal uu soo qabtay ah ayay u hayeen, Axmed Siilaanyo maanta ayay taagan tahay oo waxaad moodaa shacbigii inuu guuxayo waxaanan is waydiin lahaa maxaa loo guuxayaa ma siyaasadiisii ayaa ehel yeelan wayday oo ragii ku xeersanaa ayay ka ribanaysaa mise Axmed ayaa gaabiyay.

Wakhti dheer ayaad SNM ka soo mid ahayd aqoon intee leeg ayaad u leedahay madaxweyne Axmed Siilaanyo?

Inbadan ayaan aqoon Siilaanyo u lahaa, horta Axmed Siilaanyo markii uu wasiirka ganacsiga  ahaa Somaliya nin halkaas ku hal adag ayuu ahaa dadkuna daacadnimo badan ayay ku tuhmayeen amaan badana waa uu ku lahaa markii uu ka tagay iyo markuu joogayba, intii uu gudoomiyaha ka haa SNM ee aan aniguna la shaqeeyay waxa uu ahaa nin hadal yaqaan ah, waxaan ku aqaanay nin musuq maasuqu ku yar yahay, ayaantan maanta ah Axmedkii dadku garanaayay giraantan yar ee Somaliland si dhib yar ayuu u kaxayn ayaanu is lahayn  inay ku yara culustahay ayaad  moodaa. Muuse Biixi hadaad I waydiisayna waxaan u aqaanaa nin mujaahid ah oo soo halgamay oo dalka wax ku leh, wakhtigii Cigaalna wasiir soo haa inkasta oo aanu markaas khibrad badana u lahayn, ayaantan markaan eego Muuse waxaad moodaa nin wax u kordheen oo soo waayo arkay oo aaminsan Somaliland.

Khifaaf ayaad moodaa inuu wakhtigan inuu ka jiro xisbiga Kulmiye iyada oo laysku haysto jagooyinka gudoomiyaha iyo musharax, maxaa wakhtigan is  badalay ayaad u malaynaysaa?

Siyaasada Somaliland waxaad moodaa inay sida dhan xiirka tahay mana dhaafto wegartaas iyo Maansha allaahdaas, waxaanad moodaa in mar walba gari taagan tahay Somaliland,  haddana waa gartii waa ay dhamaatay ayuun baa la yidhaadaa, xisbiyadii waa la furay oo dadkii cartamaayay qaar baan waxbaba furan, doorashadii deegaanka ee la galayna siyaasadii ka soo baxday toban sano ayaa lagu soconayaa, aniga oo aaminsan dalka doorashadii ka qabsoontay guud ahaan inay fool xumayd oo cid waliba ka shaqaynaysay siday food ku hesho oo la murgiyay.

Marka aad eegto khilaafka Kulmiye waxa ayaantan soo baxaayay gudoomiyenimada oo laysku haysto, waxa soo baxay wasiirka maaliyada Cabdicasiis, Muuse iyo Axmed oo ninkii kubada dalka doorayay ah, Cabdicasiis ayaan hadalkiisii dhagaystay waxaanu sheegay inuu gudoomiye nimada xisbiga Kulmiye musharax u yahay, markaad eegto siyaasadiisan waa nin si dhaqkhso badan nasiib u helay kursi weyna ku fadhiya, hadaba hadalkii Cabdicasiis mid uun baan I galin, aniga midhkaasuna wax weeye gudoomiyaha Kulmiye ayaan musharax u ahay, waxaanu hadalkiisa ku gabo gabeeyay anigu uma sharaxni madaxweyne haddii Axmed Siilaanyo isu soo sharaxo, markaas su’aal ayaa ka taagan, aniguna waxaan ahay raga aaminsan in Axmed Siilaanyo la siiyay shantii hore shantan danbana cid lagu dayo, hadduu Axmed nasiib gaadhsiiyana waa nasiibkii, waxaanan leeyahay walaalkaygoow haddii aad musharaxnimada madaxweynaha doonayso Axmedna aanad isla shaqayn wasiirkeeda maaliyada.

Muuse habeenkii madaxweyneha la doortay kadib waxa lagu wareejiyay xisbigii oo warqad ayaa loo qoray in Muuse la’la tartama waa muhiim oo sharciga xisbiga ayaa sidaas dhigaaya, laakiin dadka leh Kulmiye waa uu dumayaa waxaan leeyahay karis xun iyaduna ku wax la’, waayo haddii uu Siilaanyo Kumiye dumiyo labada xisbi ee dalka soo baxayna ay Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal oo kiisa jamaal ku jiro ay yahiin siyaasiyiintii waawayna aanay soo baxinba doorashadii kulmiyan ka baaba’o dee baaba uun ku jiro mayso, aniga oo aan saddexdaas midna ahayn Kulmiye inuu jiraa waa muhiim si sadexda dhadhaar ee siyaasdu ay isugu miisaanaadaan.

Sidaad u aragtaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maxaadse filaysaa inay Somaliland uga soo baxi karaan?

In dhawr iyo labaatan sanadood ah marka la yidhado soomaali ayaa la’la fadhiisanyaa dhamaan ragii dalka soo maray xukunkiisa kumay dhacay, Axmedna waa laga yeelay inuu shirkii London fadhiisto, haddii wada hadalkaas maalinba meel la geeyo kii Soomaalida lagu heshiisiinayay ee meel walba la soo mariyay labaatanka sano qaatay waa wareer, wada hadalkana Ingiriis ayaan ku ogaa Ingiriisna waa nin Soomaali yaaqaan, hadan waxan maqlay Dubai ayaa la tagay, hadaan Turki, hadana waxaaban maqlayaa Qatar ayaaba la tagayaa, markaas inay midhii ka soo baxayaan uma arko hadii Ingiriis uun loo dayn lahaa oo aynu la wadan lahayn labadeenaas dhinac, laakiin waxa mid subaxaana le ah oo I gali waayay, su’aasha lay wadiinayaana waxa weeyaan diyaaradii labaatanka sano socotay ee madaxweyne laguu dhiibay inaad  Ingiriiska  tagto ma Turkiga ayaa loo soo badalay mise Dubai iyo Qatar, dadka dalkan leh shugux shugux lagu kaxayn kari maayo.

Qaybo kala duwan ayaad nolasha muddo sheer kaga soo jirtay goormaad odhan kartaa waa wakhtigii kuugu darnaa ?

Dagaal sokeeye ayaa Burco, Berbera iyo Hargysaba ka dhacay,  adduunka maalin ay Somaliland ka fool xumayd waligeed soo marimayso, aqalkii walaalkay ku jiray markii uu banaanaaday maalin ay ka fool xumayd oo nolashayda soo maraysaa may jirin.

Maxaad ugu danbayrtii talo iyo tusaale dadkaaga reer Somaliland aad u soo jeedin lahayd?

Cabdiraxmaan Tuur alle hawnaxariistee markuu Xamar tagay waxa uu  yidhi Somalilandeey lanbarkiina xejista oo dad lama rari karo, Siyaasada Somaliland khasaare ayuun bay intaa ku socotay hadana shacbigu waa ka raali waxii loo dhintayna macaash buu ahaa, dadku niyadoodii waa ay dabooleen oo dawladnimo ayay galiyeen dadka markaas waxaanu leenahay haysku duubnaadaan,  dawladana waxaanu leenahay waar dadkiinii waxay sugaynaan waxii laydinku aaminay dadkiinuna intaanu niyad jabin wacadka hala fuliyo.