Xildhibaan Cali Aareeye Oo Beeniyay Inuu Is Casilayo

0
655

 

Picture4Hargaysa( Geeska )-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka mid ah xildhibaanda golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa meesha ka saaray inuu is casilaayo, waxaanu ka gaabsaday inuu ka hadlo xildhibaanada golayaasha deegaanka ee Saylac iyo Lughaya ee is casilay.

Xildhibaan Aareeye oo ku sugan magaalada Hargeysa waxa uu sheegay inuu arinta xildhibaanda ka hadli doono marka uu urursado war ku filan, waxaanu sidan u sheegay mar uu wargeyska Geeska Afrika wax ka waydiiyay aragtidiisa la xidhiidha xildhibaanadaas deegaanka ee is casilay,sida oo kale waxaan su’aalnay wararka sheegay inuu isa casilaayo isaga iyo xildhibaanada beesha Ciise kaga jira golaha Guurtida waxaanu yidhi “ May isma casilaayo, haatana waxaan ku suganahay magaalada Hargeya, arintaas xildhibaandana waan ka gaabsaday ilaa aan warar badan helaayo.”

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye ayaa ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda beesha Ciise oo cabasho xoogan ka muujisay doorashadii golayaasha deegaanka.