Hargaysa( Geeska )-Shirkadaha korantada siiya magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah gobalada dalka, ayaa ku dhawaaqay inay boqolkiiba labaatan 20% ku kordhiyeen macaamiishoodii lacagtii ay korantada kaga iibin jireen, arintaas oo ay ku xidhiidhiyeen shirkadaha shidaalka dalka keena oo sare u qaaday qiimahii shidaalka.
Gudoomiyaha shirkadaha gaarka ah ee korontada Eng.Cabdi Cali Barkhad ayaa sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay, waxaanu ku eedeeyay shirkadaha shidaalka dalka keena inay sixirka shidaalka sare u qadeen isaga oo aan dunida kale waxba ku kordhin, waxaanu xukuumada ugu baaqay haddii ay arintaas wax ka qabato islamarkaana ay shirkadaha shidaalku qiimaha halkiisii hore ku soo celiyaan, inay iyaguna qiimaha ku celin doonaan halkiisii hore.
Masuulkani waxa uu sida oo kale xukuumada u soo jeediyay inay dedaal ku baxiyaan sidii loo hagaajin lahaa dhuumaha shidaalka ee haamaha Berbera si dalka loo keeni karo shidaalka culus oo uu tibaaxay inay shirkadaha korntada kala badh dhaqaalaha kaga baxa shidaal ay u baajin karto. Waxaanu ugu danbaynta xukuumada uga mahad naqay sida ay talaabada uga qaadeen shidaalkii xumaa ee dalka soo gali jiray, waxaanu ugu baaqay inay arintana talaabo ka qaadaan.
Gudoomiyaha shirkadaha gaarka ah ee korontada Eng.Cabdi Cali Barkhad oo arimahaas ka hadlayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Dhammaan shirkadaha laydhka ee magaalada Hargeysa iyo qaybo ka mid ah gobalada oo iyaguna nala fadhiyay ayaa halkan shir ku qabsanay waxaanan kaga hadalnay shidaalka oo runtii qiimo aan caadi ahayn kordhay oo laba wiig gudahood dhawr iyo labaatan doolar ay shirkadii kordhiyeen, shidaalkuna waa uu yar yahay oo waa gabaabsi haddana qiimii ayaa la kordhiyay. Arintaasi markaas waxay shirkadii ku keentay culays aad u badan awalba iyaga oo la rafanaayay qiimaha shidaalka, kordhiskaas markii aanu eegnay muu ahayn mid ku sal fadhiya sixirka shidaalka ee caalamka, qiimaha shidaalada ee aduunkuna maalin walba ciwaanadayada waa ay ku soo dhacaan waxbana ku may kordhin soddankii maalmood ee u danbeeyay. Kordhintan danbe looma meel dayin, lama cilmiyayn, wax aanu ku sheegno arintaasna waanu garan waynay, waxa ka daran in haddadaas kordhin kale lagu wado.” Gudoomiyaha oo hdalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Arinkaasu markaas waxa uu noqday mid aad u adag shirkaduuna markay arintaas arkeen go’aan bay qaateen,waanad ogaydeen barigii hore go’aankayagii waanu ka joogsanay markii uu sidan oo kale shidaalku u qaaliyoobay hada se markaanu aragnay in aanu suuqa ka baxayno oo shirkadii ay dhaqaale ahaan uga baxayaan ee aanu wax badan baadh baadhnay 20% ( boqlkiiba labaatan ) ayaanu kordhinay inta shidaalku hoos u soo dhacaayo mana taagnaanayno sida sixirada kale ee dadka ayaanu danaynaynaa oo hadii shidaalku hoos u soo dhaco wax badan ayaanu ka dhimaynaa.Macaamiishayaduna waxay u qaybsantaa kuwo warshadaha waawayn isticmaala iyo macaamiishan kale ee caadiga ah ee laydhka fudud labadabana waxaanu ku kordhinay 20%. Waxa aad umuhuum ah inaan halkan ka hanbalyayno dawlada oo barigii dhawayd ee aanu aadka u qaylinay shirkadaha laydhkana khasaaraha aadka u xooga weyn ku dhacay ee mishiinada burburku ka soo gaadhay shidaalka wasakhaysan awgii, waxa ay shirkadahu Hargeysa ay khasaareen 200 oo kun oo doolar,marka aanan shirkadaha kale ee gobalada ku darin, taas dawlada aad baanu ugu hanbalyaynaynaa ilaalinta tayada shidaalka ee ay sameeyeen,waayo imika waxa la celiyay saddex markab inkasta oo ay tayadoodu kala saraysay.”
Eng.Cabdi Cali Barkhad waxa uu ugu danbayntii hadalkiisa ku soo gunaanday sidan “ Waanu ka maarmi weynay kordhintaas shirkadahuna waa ay sii kordhinayaan shidaalka oo inta imika utaala iyaga oo ka faa’idaysanaaya waa ay sii kordhinayaan, haddii dawladu ay wax ka qabanayso oo shidaalka halkiisii lagu soo celinaayo anaguna waanu ka noqonaynaa, hadii bishan uu shidaalku jabana waxaanu balan qaadaynaa inaanu halkiisii ku soo celinayno, aadna waanu u dareensanahay oo dabku waa inagu qaali, dalalka ugu qaalisana waa aynu nahay, laakiin markaad shirkadaha gudo gasho inaan suuqa laga baxin ayuun bay wadaan oo qaar badan ayaa meesha ka baxay oo ay shirkado kale la wareegeen markay wadi kari waayeen. Sababtuna waxa weeye waxaynu isticmaalnaa naafato fudud oo caalamka magaalooyinka intaas laaleeg dabka laguma dhaliyo, waxaanu u wareegi lahayn naafatada culus oo boqolkiiba kontan kharashka naga dhimi lahayd, laakiin haamaheena ayaan lahayn dhuumo lagu isticmaali karo oo dhuumii badankoodii waa ay inaga burbursan yahiin, in badan waanu ku da’daalnay inaan u guurno naafatada culus ee taas ayaa na hortaagan,waana inay dawladu talaabo qaadaa oo halka dhuun ee shidaalka aynu maanta u haysano mid ama laba lagu daro si shidaalkii cuslaa dalka loo keeno, hadii kale warshadaheenu korimaayaan.”
Comments are closed.