Wasiirka Beeraha Oo Hortagay Golaha Guurtida

0
785

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Golaha Guurtida jsl,ayaa Fadhigoodii shalay  oo uu shirgudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golahaasi, Md.Siciid Jaamac Cilmi ayaa Mudanayaashu Waxa ay Warbixin Kaga Dhegeysteen,Wasiirka Wasaarada Beeraha Jsl,Prof. Faarax Cilmi Geedoole.

Warbixin uu Mudanayaasha u Jeediyay ayaa Wasiirka Wasaarada Beeruhu waxa uu kaga Waramay waxqabadka Wasaaradiisa iyo Qorshayaasha Mustaqbalka,Wasiirku waxa uu sheegey inay Hirgaliyeen Laba Boqol iyo Sodan Kun oo Goobood oo Biyo Qabatino ah,Kuwaas Laga sameeyay Gobolada iyo Degmooyinka,Isla Markaana Loo qaybiyay Beeraleyda Mashiino iyo Tuubooyinka Biyaha.

Wasiirku waxa uu Intaasi Ku daray inay beereen Dalagyo Cusub oo ay ka mid yihiin Misir,Faasuuliye,laws iyo Kuwa Kale oo U qorsheysan Isagoo Xusay Inay ka Hirgaliyeen Xarunta Wasaarada Dhismayaal Cusub oo Lagu Kordhiyay isla Markaana uu Qorshaha ugu Jiro Dhismayaal Laga Hirgalinayo Xarumaha Gobolada Dalka.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Qorshaha Ugu Jirto Tababaro La siinayo Hawlwadeenada Wasaarada iyo Beeraleyda Dalka.

Gabagabadii Kulankaasi waxa ay Mudanayaasha Golaha Guurtida Su’aalo Ku waydiiyeen Wasiirka Wasaarada Beeraha Prof.Faarax Cilmi Geedoole,Isagoo Halkaasi Ku siiyay jawaabo La Xidhiidha Hawlqabadka Wasaaradiisa.