Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere Oo Xukuumadda Ka Difaacay Eedaha Mucaaradka

0
549

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, ayaa ka jawaabay eeddo Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye uga imanaya Xisbiyada Mucaaradka oo ku saabsan muddo xileedka Xukuumadda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere),ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Muddooyinkan Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, waxa ay dhaliilo dusha ka saarayeen Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Madaxda Xisbiga oo socodaal iyo safar ku tagay Gobolo ka tirsan Somaliland, iyaga oo Olole ku tilmaamayey, markaas waxa aan garan lanahay sharciga UCID iyo Waddani ololaha u saxay, kulmiyena u diiday, waa wax aad loola yaabo, maxa yeelay iyaguba sidan oo kale ayaa Madaxda labada Xisbi Mucaarad u tageen Gobolada dalka, markaas wax walba yaanay waxba ka dayin”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere),ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada dib u dhacday iyo eeddaha Xisbiyada Mucaaradka ayaa  yidhi “Guud ahaan Saddexda Xisbi Mucaarad Komishanka Doorashooyinka ayaa u yeedhay, sida ay wax u socdaana iyo sida ay wax yihiinba wey u soo bandhigeen, heshiis ayeyna saxeexeen,iyada oo ay sidaas tahayna haddana waxa ay leeyihiin marka la gaadho 26-june, Xukuumaddan ma aqoonsanin, markaas ma heshiiska ay saxeexeen ayaan caadi ahayn, mise wax kale ayey ujeedan, waxa aan leeyahay dalkan khal-khal uma baahna, dhib uma baahnaa, ee dhibka ka daaya oo suga inta Doorasho laga qabanayo”.

XIdhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta ay Mucaaradku ku eedaynayaan Guurtida ayaa yidhi “Haddii ay muddo kordhin timaado, cidda muddo kordhinta iska leh waa la yaqaana oo Sharciga iyo Dastuurka ayey ku qoran tahay, Xukuumaddihii hore muddo kordhino ayaa loo soo sameeyey, cida u soo sameeysay waa la garanayaa, Golaha Wakiilada cida muddo kordhinta u sameeysay waa la garanayaa, markaas haddii ay Maanta haddii ay Doorashadu dib u dhacdo, waa qasab in muddo kordhin la sameeyo, waxaana xaq u leh waa Golaha Guurtida, oo iyagu iskama kordhiyaan,ee marka loo soo gudbiyey sida ay wax u jiraan ayey iyana xal keenaan, kana doodaan, markaas ayeyna muddo kordhintu timaada”.