Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Ku Biiray Loolanka Gudoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiilada

0
643

CABDIQAADI JIRDEHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada, ayaa caddeeyay inuu ka mid yahay murashixiinta u tartamaysa jagada uu baneeyay guddoomiye xigeenka labaad ee golaha wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo noqday wasiirka maaliyadda.

Md. Jirde, oo ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu xalay Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu maanta gudbinayo codsiga murashaxnimada jagadaas. Md. Jirde, oo muddo dheer ahaa guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golihii hore ee wakiilada, ayaa wuxuu xisbiga UDUB uga soo baxay gobalka Hargeysa, waxaanu waayo arag ku yahay hawsha shirguddoonka ee golaha wakiilada.

Waxa iyaguna kursigaas u tartamaya xildhibaano kale oo uu ku jiro guddoomiye xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, oo isagoo dalka dibadiisa ku maqan soo gudbiyay istiqaalad uu iskaga casilay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golahaas wakiilada.