Buugga World Atlas Ee Caalamiga Ah O Kala Saaray Somaliland Iyo Somalia

0
548

world atlasHargeysa(Geeska)-Bishan March waxa soo baxay qayb cusub oo ka mid ah buugga caalamiga ah ee lagu daabaco khariidadaha dunida, kaas oo magaciisa la yidhaahdo National Geographic amaba ay dadka qaar u yaqaanaan World Atlas.

Buuggan ayaa markii u horaysay lagu arkay iyadoo maababka dunida lagu soo daray dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo labaatan sannadood ah raadinayay ictiraaf caalami ah, waxaana buuggaas si cad loogu tilmaamay Jamhuuriyadda Somaliland oo ay caasimadeedu tahay Hargeysa, halka uu sidoo kale buuggu cadeeyay inay Somaliya caasimadeedu tahay Muqdisho, waxaana halkaas ka cad inuu buuggu si cad u kala saaray inay laba dal kala yihiin Somaliland iyo Somaliya.

Sannadihii hore wuxuu buuggu ku dari jiray Somaliland dalalka aan la aqoonsan sida Falastii, Kosovo, South Ossetia iyo kuwo kale.  Waxaana go’aankan uu qaatay maamulka buugani si weyn uga gadooday qaar ka mid ah dadka Somalida, oo bilaabay inay farriimo u diraan maamulka National Geographic iyagoo ku muujinaya sida ay uga xunyihiin in buugga sannadkan lagu muujiyo inay Somaliland tahay dal ka madaxbanaan Somaliya. Muwaadiniinta Somaliland ayaa looga baahanyahay inay iyaguna shirkadaas u diraan farriimo bogaadin iyo hambalyo ah.