Madxda Afrika Oo Wali Ku Mursan Doorashada Gudoomiyaha Dambe Ee Au

0
644

AUHargeysa (Geeska/W.wararka)- Koox ka mid ah hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa sabtidii Shalay ku kulmay magaalada Contonou ee caasimadda dalka Benin si ay mar kale isugu dayaan soo afjaradda khilaafka madaxda Afrika isugu mari waayeen doorashada guddoomiyaha midowga Afrika, kadib markii bilowgii sannadka kulankoodii magaalada Addis Ababa ay khilaaf dartii dib u dhigeen doorashadan.

Sida ay wararku sheegayaan madaxdan Afrikaanka ah oo ah guddii shirkii Addis Ababa u saaray isu soo dhoweynta dhinacyada isku khilaafsan doorashada guddoomiyuhu waxa ay shalay yeesheen kulamo albaabadu u xidhan yihiin oo uu guddoominayey madaxweynaha dalka Benin Thomas Boni Yayi, waxaana ka qayb galaya  shan dal oo wakiil ka ah shan waaxood oo loo qaybiyey Qaaradda, kuwaas oo kala ah, Raysalwasaaraha dalka Algeria Axmed Aw Yaxya oo metelaya Woqooyiga Afrika, madaxweynaha Ivory Cost Al-Xasan Wotara oo metelaya galbeedka Afrika, raysalwasaaraha Ethiopia oo metelaya bariga Afrika, Madaxweynaha dalka Chad Idiris Deby oo metalaya badhtamaha Afrika iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Angola oo ka wakiil ah madaxweynaha dalkaas Jose Eduardo oo metelaya Koonfurta Afrika, waxa kale oo shirkan ka qayb galaya madaxweynaha dalka Benin oo isagu haya guddoomiyenimada kaltanka ah ee ururka Midowga Afrika, madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo madaxweynaha Gabon Cali Bongo oo iyagu ah labada dal ee kala wata labada murashax iyo ugu dambayntii guddoomiyaha hadda ee ururka midowga Afrika Jean Ping iyo haweenayda la tartamaysa oo iyaguna goob joog ahaan u fadhiya shirka.

Madaxweyne Yayi oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay yihiin guddi lagu soo xulay shir madaxeedkii Afrikaanka ee magaalada Addis Ababa si ay u soo xalliyaan khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka ururka midowga Afrika, hadalladiisana waxaa ka mid ahaa, “Waxa aanu u kulmaynaa hawsha guddidayadan loo xilsaaray ee ah in aanu ka soo fikirno sidii xal loogu heli lahaa is-mariwaaga keenay in la dooran waayo guddoomiyaha iyo ku-xigeenka midowga Afrika iyo weliba xubinihii kale ee fulinta AU da”

Sida la og yahayba waxaa muddooyinkii u dambeeyey sii fogaanayey khilaafka u dhexeeya 54-ka dal ee ku midoobey AU kadib markii bishii January ee sannadkan shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Addis Ababa la isku mari waayey in dib loo doorto guddoomiyaha xilligiisii dhammaaday Jean Ping inuu mar labaad madax u noqdo Midowga Afrika  iyo in jagadaa la siiyo murashaxa dalka Koonfurta Afrika oo ah haweenayda lagu magacaabo Nkosazana Dlamini-Zuma oo hore u ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika. Xilligaas oo la isla gartay in doorashada guddoomiyaha AU da la isaga yimaaddo bisha July ee sannadkan, iyada oo inta ka horraysana guddidan loo saaray inay isu soo dhoweeyaan dhinacyada arrintan isku khilaafsan.

Jean Ping oo midowga Afrika madax u ahaa Afartii sano ee u dambeeyey, dalalka Afrika ee lagaga hadlo luuqadda Faransiiska oo uu ku jiro dalkiisa Gabon waxa ay doonayaan in mar kale dib loo doorto waxaase tartan adag ku haysa Marwo Dlamin-zuma oo taageero ka haysata dalalka Koonfurta Afrika.

Dlamini-Zuma oo hore u ahaan jirtay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika waxa ay kala tageen madaxweynaha dalkaas Jacob Zuma oo ay hadda xukuumaddiisa ka tahay wasiirka arrimaha gudaha. Inkasta oo aanu Ping caddayn in uu mar kale la tartami doono gabadhan awoodda badan.

Dadka Arrimaha midowga Afrika u dhuun daloola ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyey doorashadii la isku mari waayey ay AU-du ahayd meel aanay waxba ka kala socon.