Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumaddda Ku Eedeeyay Qabyaalad Iyo Cadaalad Darro

1
703

 

jmalWajaale(Geeska )- Musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,ayaa ku dhaliilay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye cadaalad daro iyo in heerkii qabyaalada ee dalku ay kor u kacday.

 

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa sida oo kale xukuumada uu ku naqdiyay in ay boob xoogan ku hayso hantidii umadda oo ay ku gashay ololahii golaha deegaanka, waxaanu xusay in ay foolxumo tahay in ururda iyo xisbiyadii qaranka lagula dagaalamo hantidii dadweynaha.

Waxa uu sidan ku sheegay Jamaal mar u shalay magaalada Wajaale kula hadlaayay taageerayaasha xisbig UCID, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Aqbali mayno Cadaalad daro in nalagu sameeyo Waayo Xisbigii Udub ayaynu ogeyn sidii loo galey, qaadan mayno anagu waynu aragnaa sida ay wax u wado Xukuumadani iyo Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahey Cadaalad daradii ayaa badatey,Qabyaaladii ayaa noqotey wax caadiya oo sidii la doono loo isticmaalayo, oo Tv-yada lala soo Fadhiisanayo rag waaweyn oo Masuuliyiin ahi, anagu xoolo aanu soo Shaqeysaney oo soo xoogsaney ayaanu wadanaa oo nalagu aflagaadeynayay, miyaanay ceeb aheyn in hantidii umada la isticmaalo oo sidii la doono loogu tagri falo weynu wada naqaanaa  raga maanta lacagta qeybinaya mid wax hayay kuma jirin ee waxaa la faraqayaa waa hantidii umadda waxaanu tusi Cashuurtii aanu ku bixin jirney, u dulqaadan mayno waxa socda Cadaaladii ayaa lagu tuntey Shuruucdii dalka ayaa lagu tuntay,Muqdisho ayaa noqotey wax furan oo qadiyadii Somaliland ayaa daciif noqotey Xukuumada maanta jirtaa waatii ka qeylinaysay in Doorashada Diiwaan galin la’aan lagu galo, waxaan leeyahay Rag cadaalad waayey Sidii Cowsha kala yaac waa dhab oo waa xaqiiq in Cadaalad darada dalka kajirta ay Rag badani Xamar u yaaceen, waxaan leeyahey may aheyn inaad Xamar u yaacdaan haseyeeshee waxey aheyd inaad dalkiina ka dhex dagaalantaan, waar sideebaa Somaliland gudaheeda ay Salaadiintii halkan uga Magacabayaan oo liis uga samaynayaan Baarlamaanka Soomaaliya, umadani si sharaf leh ayay idiin dooratey codkoodii ayay idin siisey maanta la idinka yeeli maayo Xisbigii Udub ayaa daaqada ka baxey ka Ucidna daaqada ayay ka baxaysaa "

Waxa kale oo uu intaa ku darey isagoo hadalkiisa sii wata Jamaal Cali "Maalin kasta  La Idinka Yeeli maayo inaad noqotaan siidhi walihii, garsoorihii iyo Ciyaartoygii waan idin arkeynaa, shacabka Reer Somalilandna maanta la khaldi maayo oo wey ka koreen waxyaabo badan laguna ciyaari mayo waxaa muuqda hadii aad Cadaalad daro ku kacdaan sidaad wadaan in sansaan colaadeed iyo dagaalo Sokeeye dalka ka dhici doonaan, anigu wali Xukuumada hadal xun hore ugumaan odhan manaan dhaliilin laakiin maanta waan sheegayaa Runta iyo wax kasta oo jira lana aqbali mayo sida muuqata iyo habdhaqanka ay wado Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye.”

Waxa isa sootaraaya walaaca xoogan ee masuuliyiinta xisbiga UCID ay ka muujinayaan doorashada fooda inu soo haysa, waxaanay arintan  imanaysaa iyada oo ay murano xoogan oo dhanka doorashada ah ay ka taagan yahiin gobalada bariga Somaliland.

Comments are closed.