Suldaan Saleban Boqor Cismaan Oo Soo Bandhigay Doodda Sharci Ee Qaddiyadda Tiyaatarka Hargeysa

0
555

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Saleban Boqor Cismaan Xasan ayaa si adag u soo bandhigay dood sharci oo uu ka leeyahay muranka ka taagan tiyaatarka Hargeysa.

1111111111111

Suldaan Saleban oo xalay nagu soo booqday Geeska Afrika, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Waxa ayaamahan socotay hadalo hanjaabado xanbarsan oo ay ku hadlayeen Rag waaweyn oo odayaal ah oo qaarkooda Gobolka Togdheer ka hadlaayey, waxa aan leeyahay Ragga ka hadlaayey Gobolka Togdheer ee Dawladda u hanjaabaayey ee ka hadlaayey Baloodhka nala siiyey ee leh Garxajis baa la isku dilayaa, Garxajis la isku dili maayo, Dawladduna sharci iyo nidaam dawladeed bay wax igu siisay, Cumar Caydiidna sidaas oo kale ayaa dhul igu xiga sharci loogu siiyey mana aha meel keliya oo hal sharci leh, magacna lama siinin ee mitir isku weer ayaa la siiyay waanu haystaa wixii sharciya ana waan haystaa, haddiise Garxajis is dilaya laga hadlaayo, Raggiina Burco ka hadlaaya waxa aan idin xasuusinayaa  marka aad Cidagale kula dagaalameeseen Ayqaad ee aad ku dileeyseen dhul daaqsimeed  ee boqol iyo boqolku isku dhinteen, maxaad gurmadka iyo baaqyada maantu u soo bixi waayeen maalintaas,Garxajis maalintaas buu gurmad u baahnaye, haddii maalin Cidagale laga gardarnaa maalintaas baa laga gardarnaa, aniguna dhex iyo ergo ayaan ahaa, maalintaasna ergaydayda iyo dhexnimadayda waad necbaydeen waana aad igu caydeen aniga iyo reerkaygaba maantana baroortu orgiga ka weyn, Baloodhkayguna dhaymo iyo dhaahis u noqon maayo Cidagale.

Marka aan intaas ka gudbo waxa uu ku dooday Ganacsade Cumar Caydiid mar uu ka hadlaayey Telefishanka, “Waxaan ahay muwaadin reer Djibouti, aniguna waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah, haddii uu yahay maalgashade aniguna waxa aan ahay dhiig gashade, Tiyaatarka waxa ku daatay dhiigaygii, xabadii ugu horeeysay ee  igu dhacdaa 1988-kii aniga oo 16-jir ah waxa ay iga dhacday Guriga ilma Xaaji Af Qalooc ee dhinaca Barri ka xiga, waxaana la iga soo toogtay halka uu Saldhigu yahay ee Rugta Kutubta la odhan jiray. Maan ahayn dadkii Riwaayadaha ku gali jiray jiray Tiyaatarka, laakiin waxaan ku galay dagaal  dhab ah oo fool ka fool ah, ma jirto cid igaga xaq leh in la i siiyo; ninka dhiig gashaday iyo ninka dhoobada gashadayna Somaliland-nay waxa aan leeyahay idinkan gartaas idin dhiibay ka garqada kii mudan.

Xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan Waddani,  waxaan leeyahay baloodhkayga cod ku heli maysaan mid ku weydaan mooyee.

Waxa kaloon arkaayay rag ka hadlaayay Hargeysa oo sheeganayay cuqaasha bariga Hargeysa, waxaan garan waayay goor ay cuqaasha galbeedka Burco ay noqdeen cuqaasha bariga Hargeysa. Waxaan raggaas leeyahay, cuqaasha bariga Hargeysa waa la yaqaanaaye haddii aad hadlaysaan sheegta deegaanka aad ka soo jeedaan, Caaqil galbeedka Burco ahi kuma hadli karo magaca bariga Hargeysa.”