Xildhibaan Buubaa Oo Guddiyada Cusub Ee Golaha Wakiilada Ku Tilmaamay Kuwo Sharci Ah

0
435

buubaHargeysa (Geeska) -Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna xildhibaanka ku guulaystay gudoomiyaha guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiilada ee ay labada ku xigeen ee goluhu laaleen  Md. Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax,  taas oo uu kaga hor yimid isku shaandhayntii lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha wakiilada,

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo shalay ka hadlayey shir jaraa’id oo ay wada-jir u qabteen Mudanayaal ka soo kala jeeda xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani oo qaadacay Go’aankii ay Shalay labadda Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiiladdu ay ku joojiyeen Isku shaandhayn uu horraantii bishan sameeyay Guddoomiyaha golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Waxaan   Xildhibaada Golaha ku taageersanahay sida ay uga hadleen arintan cusub ee golaha haatan dhex timid, waxaana  sax ah oo sharci ah  isku shaandhayntii uu guddoomiyaha goluhu ku sameeyey guddi hoosaadyada golaha ee ku salaysnayd go,aanka golaha ka soo baxay , is doorashadii la doortay Guddoomiyayaasha iyo ku xigeenada guddiyaduna waa sharci, gudoomiye ku xigeenka labaad oo markaa ku sime ahaana wuu saxeexay guddi kasta, sidaas ayaanay sharci ku yihiin isku shaandhayntii iyo doorashadii guddoomiyayaasha guddiyadu, sharci daro-na ay ku tahay go,aankii uu soo saaray  Guddoomiye ku xigeenka labaad goluhuna aanu u hogaansami doonin”

Labadda Guddoomiye ku xigeen ee Golaha oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa soo saaray Go’aan ay ku joojiyeen Isku Shaandhayntan lagu sameeyay Guddi-hoosaayadda Golaha Wakiiladda, kuwaas oo sheegay in aanay Waafaqsanay Xeer-hoosaadyadda Golaha, waxaanay arrintani ay khilaaf ka dhex abuuri kartaa Golaha Wakiiladda, kaas oo u kala bixi kara Muxaafid iyo Mucaarid.