Burco: Qarax Miino Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay

0
471

Picture6Hargeysa(Geeska)-Qaraxii labaad ayaa bil gudaheed ka dhacay magaalada Burco, kaas oo gaystay dhimasho,dhawac iyo waliba waxyeelo hantiyeed.

Qaraxan labaad ayaa ka dhacay xaafada Hodanqaylo waxaana ku naf waayay haweenay,waxaana ku dhaacmay saddex qof oo kale, dadkan miinadu la kacday ee dhimashada iyo dhaawacu soo gaadhay ayaa ka yimi wakhtigaas aroos,waxaana lagu soo waramayaa in gaadhiga miinadu ay la qaraxday uu ahaa gaadhigii gaarka ahaa ee taliyaha saldhiga dhex ee Burco Axmed Awil Cabdilaahi (Ganay).

Darawalkii gaadhigaas waday iyo laba haween ah oo dhaawac uu ka soo gadhay qaraxaas ayaa lagu daweynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Burco.waxaana dadweynaha Burco war war ku haya miinooyinkan ka dhex qarxaaya magaalada dhexdooda,iyaga oo u aanaynaaya in miinooyinkan ay soo dhaweeyeen roobabkii kala duwanaa ee magaalada ka da’ay, isla markaasna waxay haayadaha miinada ku dhaliileen in aanay arimahan waxba ka qaban.

Bishan gudaheeda ayay ahayd markii gaadhi ay miino kula kacday agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Xaaji Cabdi Siciid.