Waddani Oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Caalamka Tusayso Doonista Midnimada Somaliya

0
495

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo uu ku weeraray labada xisbi mucaarad, waxaanu Waddani wasiirka ugu baaqay inuu wax ka qabto amniga dalka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Md. Axmed Muumin Seed, waxa kale oo uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay doonayso inay caalamka tusto inay midnimo Somaliyed raadinayso. Warsaxaafadeedkan oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan:

“Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay maalin cad xaraashtay qadiyadii madaxbanaanida Somaliland.

Waxaanay ku guuldaraysatay wadahadaladii humaagga ahaa ee ay la gashay Somalia, umadda Somaliland waxa u cad in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadahadaladii ay la gashay Somalia isla markaasna ay doonayso inay caalamka tusto inay midnimo soomaaliyeed raadinayso.

Waxa taas cadayn u ah in wadahadaladii ay ku guuldaraysatay isla markaasna ay iska nabayso inay ka jawaabto marar badan oo Somalia ku celcelisay inay ka baxday wadahadaladii iyo qodobadii lagu heshiiyey.

Markii wadahadalada lagu jiray waxa go’aamada gaadhayey xubno madaxtooyada Axmed Siilaanyo diratay oo u xaglinaya isla markaasna aaminsan mabda’a Somalia.

Waxaa la ogyahay in guddigii wadahadalada laga dareeriyey fadhiga wadahadalada oo ay ku hadhi jireen xubno si gaar ah isu ogaa oo wada xidhiidhi jiray oo u xaglinaya dhinaca Somalia.

Dhinaca kale waxaanu aad uga xunnahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa ku sheegi jiray Al-shabaab uu maantana xisbiyada qaranka ku aflagaadeeyo wixii xukuumadda uu ka tirsanyahay lagu tuhmayey ee ah inay qaddiyadii madaxbanaanida Somaliland xaraashtay.

Wasiir Cali Warancadde wuxuu hore usoo baabiiyey XIsbigii UDUB maantana wuxuu baabiinayaa qaranka Somaliland, waxa nasiib darro ah in Wasiir Cali Warancadde uu garsoorkii dalka ku sheego laaluush qaatayaal maantana xisbiyada qaranka uu aflagaadeeyo, iyada oo amaankii dalku faraha kasii baxayo oo hadhka cad la toogto xildhibaanadii shacabku soo doorteen. Nin xilkiisi gabay yaanu ku galgalanin xisbiyada mucaaridka ah.”