Xildhibaan Buubaa Oo Difaacay Sharciyada Uu Cirro Ku Fadhiyo Shirguddoonka

0
769

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomyaha Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, isla markaana ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa difaacay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro,  oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu wada noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, iyo Musharaxa Madaxweynaha, ,waxaanu tilmaamay in aanu jirin wax alaale wax u diiday inuu xilalkan isku hayo, meel ay Dastuurka kaga taalana aanay jirin, xaqna uu u leeyahay in isaga oo ah Guddoomiyaha Wakiilada inuu u tartami karo jagada Madaxweyne, oo hadduu uu ku guulaysto Doorashada uu markaas isaga oo ah Madaxweyne uu wareejin karo jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Xildhhibaan  Ibraahin Mahdi Buubaa oo Shalay Warbaahinta ugu waramaya Xarunta Golaha Wakiilada  ayaa sidoo kale tilmaamay  inuu diyaar yahay xeerkii lagu soo dooran lahaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo sheegay in aanu jirin wax qabyo ka ah Xeerkan,  isla markaana Xeerkani la mid yahay  xeerkii lagu soo doortay Xildhibaanada Wakiilada Sannadkii 2005, wakhtigaas oo la doortay Xildhibanadii ugu horeeyey ee Shacabka reer Somaliland doortaan.waxaanu hadalkiisi ku bilaabay isaga oo arimahaas ka hadlaya “Ugu horayn waxaan jecelahay inaan Umadda u soo bandhigno oo aan u sheego   Xeerka Golaha Wakiilada ee la leeyahay  lama samayn ee Umaddu ka war hayso inay Wasiiro soo fadhiistaan  Warbaahinta oo  ay yidhaahdaan ma jiro  oo golaha wakiiladu  Toban Sannadood oo ay fadhiyeen ayey samayn kari waayeen Xeerkii lagu dooran laha,  isla markaana Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladu ay leeyihiin lama samaynin  waxaanu u sheegaynaa inaanay  waxba ka jirin, Golahani Xeer ayuu leeyahay lagu soo doortay Sannadkii 2005-tii kaas oo shaqaynaya wax ka xumina aanu jirin haba yaraatee, xeerkaas sabab loo daadifeeyey oo meesha looga saaray lama garanayo xeer Lr20/2005 ayaa la  yidhaahdaa, Xeerkaasi waa Xeer shaqeeya oo dhaqan gal ah waana laga yaabaa in wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo ama Xukuumaddu ha soo jeediso ama Golaha ha ka yimaado, laakiin Golaha Wakiiladu ma laha Xeer lagu soo doorto waxba kama jiraan, qofka waxaas ku hadlayaa waa qof marmarsiyo doonaya waana qof aan doonayn inay Doorashada Golaha Wakiiladu ku dhacdo wakhtigeedii, waxaanu maqlaynay  Wasiiro sheega inaan la samayn xeerka lagu dooranayo Golaha Wakiilada oo yidhaahda Cirro iyo Golaha Wakiiladu ma doonayaan inay Doorashadu Wakiiladu wakhtigeeda ku dhacdo  iyaga ayaa cagaha jiidaya ama diidan inay Doorashadu dhacdo, waxaanu u sheegaynaa Shacabka Somaliland iyo cid kasta oo hunguri ka hayo oo jecel inay isa soo sharaxdo xeerkii Golaha wakiilada lagu soo doortay 2005-oo dhaqan gal ah oo aanay jirin wax ka xun ayaa Wadankan u  yaala.”

 Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo xilka Musharaxnimadiisa waxa uu yidhi“Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waa Guddoomiyihii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,  waxaanu halkan ku haynaa Dastuurkii Qaranka, waxa kale oo aanu haynaa Xeerkii Doorashada Golaha Wakiilada,  waxa kale oo aanu haynaa xeerkii Doorashada Madaxweynaha iyo Golayaasha Deegaanka, waxa kale oo aanu haynaa xeerkii Ururada iyo Xisbiyada  dhamaantoodna meel kaliya oo tilmaamaysa  in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu isaga oo  Guddoomiyaha Golaha  ah ama xubin Golaha Wakiilada ka tirsan ah  Musharax Madaxweyne ma noqon karo wax tilmaamaya oo jiraa ma jiro,  been ayaa laga sheegayaa,  sharcigana  waana la majara habaabinayaa.”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Sharcigu waxa uu u ogol yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada isaga oo Guddoomiyaha ah  inuu noqdo Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana uu Doorashada galo isaga oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ah  wax u diidayaa ma jiro haba yaraatee, sidaas darteed Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu xaq u leeyahay  isaga oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ah  inuu noqon karo Musharaxa Madaxweynaha,  haddii uu ku guulaysto jagada Madaxweynaha  cida loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  ayuu isaga oo Madaxweynaha Qaranka ah ku wareejinayaa Xilkii Golaha Wakiilada wax is diidaya ama khilaaf ah oo dhex yaalaana ma jiro, markaa waxaanu Umadda u bayaaminaynaa inay labadaas qododba yihiin laba qodob oo sharci ah.”