Maleeshiyaadka Khaatumo Oo Shalay Soo Weeray Ciidanka Qaranka Saax-dheer

0
828

Picture5Muqdisho(Geeska)-Maleeshiyaadka Khaatumo ayaa shalay soo weeraray ciidanka qaranka ee degen deegaanka Saax-dheer ee gobalka Sool.

Ciidanka qaranka ayaa weerarkaas gaadmada ah fashiliyay iyagoo iska difaacay islamarkaana kala eryay maleeshiyaadkii soo weeraray. Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jiro wax war ah oo xalay ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland. Hase yeeshe wuxuu weerarkani ku soo beegmayaa maalin ka dib markii ay Isniintii kulmeen  Madaxweynaha dawladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo ah hoggaamiyaha maleeshiyaadka Khaatumo, iyadoo uu kulankooda soo abaabulay wasiirka duulista iyo hawada Somaliya Cali Jaamac Jengeli oo ay isku beel yihiin Cali Khaliif Galaydh. Waxa ay dad badani isweydiinayaan sida ay u suurtogeli karto in Xasan Sheekh iyo Somaliya ay wada hadal kula jiraan dawladda Somaliland haddana ay ku jiraan qorsheyaal ay ku mijo-xaabinayaan qaranimada Somaliland.