Xildhibaan Bulqaas Oo Ku Baaqay in La kordhiyo Kuraasta Golaha Wakiilada

0
503

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed CIsmaan Bulqaas, oo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, kana mid ah Guddida Cadaalada, Garsoorka iyo Xuquuqul isaanka ee Golaha Wakiilada, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey dhaliil, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu doonaysay inay suuqa madaw ay ku wareejiso Haamaha Shidaalka balse ay Wakiiladu ka guteen waajibkoodii, hor istaageena.  Xildhibaan Maxamed CIsmaan Bulqaas, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo jeediyey in dib loo furo Dastuurka oo kuraasta Golaha Wakiiladana la kordhiyo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Suuq madaw ayaa la doonayey in Haaamaha Shidaalka lagu wareejiyey, waa laga dhex toosay, anaguna waajibkaygii ayaanu ka qabsanay, waana joojinay, in Wasiirka Ganacsigu yidhaahdo hawlahayga ayaanu iska wadnaynaa cidna u joojin mayno waa laga wanaagsan yahay, Barlamaankuna waa kii isaga ansixiyey, ee ogolaaday,sharciguna waxa uu na siinaya in aanu hor sitaagno wax walba oo dalka ku keenaya, heshiis walba oo ay Xukuumaddu galayso waa inay Barlamaanka keenta, loo ansixiyo, ama loo laalo, inay heshiisyo iska gashana maaha, waa baabul khiyaamo, dad baana la doonaya in lagu naaxiyo, wax yaabo fara badan oo noocaas ah ayaa dalka ka jira, oo la doonayo in loo xidho si ay iskaga nuugaan, dad kalena lagu shaqaysto, inta aanu Golaha joognaan waxaas oo kale wax ka soconaya Xukuumadda maaha. Qaabkii loo bixiyey Warshadihii Laydhka ee Berbera iyo Hargeysa khalad ayey ahayeen, waxaana wanaagsan in tartan ay dadku u siman yihiin loo sameeyo, oo dadka loo soo bandhigaa, oo cid walba ka qayb gashaa, laakiin in cid gaar ah kooto loo xidho maaha. Xildhibaan Bulqaas ayaa mar uu ka hadlaayey saami qaybsiga waxa uu yidhi “Dad badan oo dulman baa jira, anigu Gobolka Sanaag ee ugu balaadhan baan degan ahay, haddii Guddi loo saaro iyo haddii cid kale loo saaraba sidii hore ku geli mayno, waa in saami qaybsi cusub oo aanu xaq u leenahay aanu helnaa, reer Awdalna xaq ayey u leeyihiin sidii ay u hadleen, waa in Dastuurkana dib loo furaa, maxa yeelay 82-xubnood dib la iskaga jarjaro karo, waana in kuraasta Golaha Wakiilada la kordhiyaa, oo dadkaas cabanaya xuquuqdoodii la siiya. Xildhibaan Bulqaas ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda waxa uu yidhi “Dalkii cidhiidhi buu ku jiraa, wakhti adag ayeynu ku jirnaa imika, waxa aynu u baahan ahay inaynu gacmaha is qabsano oo meel u wada jeedsano, oo waxyaabaha khaladaadka ee socda saxnaa, inta uu wakhiga Xukuumaddu dhamaanayana aynu iska dulqaadano”