Xildhibaan Bashir Oo Sharaf Dil Ku Macneeyay Xadhiga Abiib Timacad

1
760

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa sharaf dil ku tilmaamay xadhiga la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo muddo toddobaad ah xarunta CID-da Hargeysa ugu xidhin tuhun la xidhiidha dilkii Isniintii hore ka dhacay deegaanka Seemaal.

Xildhibaan Bashir, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ugu horayn dilkaas Seemaal ku tilmaamay mid foolxun oo loogu tallo galay in lagu waxyeeleeyo sumcadda Somaliland, waxaanu sheegay inay ka dambeeyeen cadowga Somaliland “Waxaan jecelahay in aan ka hadlo dhacdadii naxdinta lahayd ee deegaanka Seemaal, horta arintan waa mid ay nabad dadka deegaankaasu wada qaateen ee xukumada ay isula yimaadeen si ay dhamaystirka arintaas ay xukumadu doorkeeda ka qaadato, dhamaystir la’aantaasi waxa ay sababtay oo ay deegaanka ka dhigtay meel u nugul in cadawga Somaliland ka abuuri karo nabadgalyo daro.”  Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Ileen dhacdooyin baa laysku xidhaaaye maalintii dhacdada waxa magaalada Boorama socdaal shaqo oo aan dalka kale soo marin toos Boorama ugu tagay oo aan la ogayn wariyaha caanka ah ee la yidhaahdo Cabdirisaaq Catoosh oo ah wariye ka tirsan idaacada BBC-da, arintaas ma waxaan odhan karanaa waa mid dar illaahay isugu beegantay, aniga siday ila tahay waxaan leeyahay maaaha,  balse labada dhacdo waxa isku soo beegay waa wax baadhisteeda leh, waana shirqool si heer sare ah cadawga Somaliland u soo maleegay maadaama oo ay meeshaas ahayd meel xaasaasiya oo aan arrimahii nabadgalyada ee aasaasiga ahayd ka hirgalin.”

Wuxuu intaas ku daray “Sidaas awgeed waxaan u soo jeedinayaa hay’adaha dambi baadhista in baadhista dhacdadan la balaadhiyo oo aan lagu soo koobin reer ama qolo.’

Wuxuu Xildhibaanku dhacdan ku xidhiidhiyay suurtogalnimada in kooxo dano gaar ah lihi ka dambeeyeen dilkaas “Markaas Hay’daha danbi baadhista waxaan leeyahay arinta si balaadhan haloo eego.” Ayuu yidhi isagoo muujiyay in kooxaha dibad meerka ah ee Awdal State ay dilkaas lug ku yeelan karaan, laakiin ma faahfaahin xildhibaanku sida ay lug ugu yeelan karaan.

Isagoo ka hadlaya Xadhiga Abiib Timacad, wuxuu yidhi “Xadhiga masuuliyiinta Xukumada waxaan anigu u arkaa mid muujinaysa karti darida maamulka oo dadka loo tusaayo wax qabad balse lagu qarinaayo guuldarooyinka ku gadaaman maamulka, matalan la taliyaha madaxweynuhu waa masuul xukumaada ka tirsan waxaanu madaxweynuhu ogayna ma oga ayaan u malaynayaa, xadhigiisuna waa sharaf dil ah, arintaasna waxaan leeyahay aad halooga fiirsado.”

Isagoo ka hadlaya xil ka qaadistii taliyaha ciidanka qaranka, wuxuu yidhi “Waxyaabo kale ayaa jira oo inagu soo kordhay, masuuliyiinta xilka waa laga qaadi karaa oo xilku waa meerto sababaha xil ka qaadistuna waa ay badan yihiin, laakiin waxa inagu soo kordhay dhaqan cusub oo odhanaaya, warbaahinta waa lagaga caban karaa masuul oo cidi waa ay ka caban kartaa, laakiin  warbaahintaa hebel iyo hebel kaa sheegeen in xilka lagaga qaadaa waa dhaqan inagu cusub oo inagu bilaabamay ayaan u malaynayaa.”

Comments are closed.