“Ma Nihin Urur siyaasadeed Ee Waxaanu Nahay Urur Diiniya”

4
688

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur Axadii lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo XISBULLAHI Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geele, ayaa hangool faraaro leh iskaga fogeeyay in ururkoodu yahay urur siyaasadeed ka qayb talaya tartanka ururada siyaasadda Somaliland.

IMG_5554

Sheekh Maxamuud oo daba socday doodo iyo dareeno badan oo ka dhashay ururka ay isaga iyo culimo kale oo badani Hargeysa kaga dhawaaqeen, waxa uu sheegay inaanu ururkoodu ahayn mid siyaasi ah. "Waxaan nahay urur diiniya oo u taagan danta diinta Islaamka oo kaliya, sidaas darteed dadweynaha u fahmay inaan nahay urur siyaasadeed oo ururadan siyaasada sheeganaya tartan la galaaya waxaan leenahay sidaas maaha ee sidaas ha u qaadanina.” Ayuu yidhi Sheekha oo xalay u waramay Telefishanka HCTV, waxaanu intaas raaciyay “Waxanan ka cudur daaranayaa jacayl badan oo dadku u qabaan inay diintu shaqayso darteed inay yidhaahdaan maxaa loo gali waayay siyaasada, waxaan leenahay shareecadeena sanaawiga ah ee laynoogu soo dhiibay Maxamed CSW ayaan inoo ogalaanayan inaan tartan  la galno shareecad bina’aadam samaystay oo gacanta lagu dajiyay, shareecada illaahay waa ay ka saraysaa shareecadan ay binaaadamku qorteen, sidaas darteed anagu waxaan leenahay waar umad islaama markaan nahay shareecadaa illaahay iyo qaynuunkaas rabaaniga ah waxaan ahayn illahay noogumuu talo galin mana gayno.”

Wuxuu intaas raaciyay “Sidaas darteed wax kasta halagu dabaqo shareecda illaahay, qodab kasta oo nolasheena kamida haloo raaco oo halagu dabaqo shareecada illaahay oo lagu dabaqo sida illaahayba sheegay rasuulkuna tilmaamayo CSW.”

Isagoo hadalkiisa soo koobaya wuxuu yidhi “Waxaan intaas uga jeedaa inaan ka daba tagno kana cudur daarano hadalkaas warbaahintu ay sheegeen oo ah inaan nahay urur siyaasadeed tartana lagali doono qoladaa siyaasada, bulsha weynta muslimka aheey anagu urur siyaasadeed ma nihin tartana lama galayno wax siyaasadani ma jirtee waa dabool iyo dahaadh lagu sameeyay baadilkiiye, ninkii ka dood bixi karaa fagaaraha saxaafada hayimaado aniga iyo umada muslimka ahba hanagu qanciyo halka ay siyaasadu shareecda kaga taalo ama wadaad hanoqdo ama waranle hanoqdo, waxaan shareecadayada ku oolin xaaraanbuu naga yahay si kastuu yahayba danina nooguma jirto maslaxadina nooguma jirto”

Comments are closed.