“Waa In Wiilku Inaabtidii Guursado Ee Aanu Inaadeertii Guursan”..Hadrawi

0
806

Burco(Geeska)-Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) oo ah Abwaan indheergarad ah ayaa tallo ku soo jeediyay si xasiloonida iyo wada noolaashaha bulshadu u xoogaysato in la soo celiyo dhaqankii hore ee guurka oo salka ku hayay in wiilku aanu guursan inaadeertii ee uu guursado inaabtidii.

Hadraawi

Abwaan Hadrawi oo shalay hadal ka jeediyay kulan qado sharaf ah oo loo sameeyay koox saraakiil ah oo ka soo goosatay maleeshiyaadka SSC, gaar ahaan garabka aan weli nabadda qaadan, ayaa wuxuu sheegay in colaadaha joogtada ahi ay salka ku hayaan xididnimadii uu daciiftay. “Waan idinku soo dhawaynaynaa abtiyaal magaalada Burco, kolay socodkiinu waxaan u malaynayaa inaad xaggii iyo magaalo madaxdii u socotaan, guubaabada iyo hadalka iyo hawraartu waxaan filayaa halkaas ayay ka dhici doontaa, annagu kelmada aanu leenahay waxa weeye inaanu Burco idinku soo dhawayno qado sharaf ku kulano dabadeedna idin macasalaamayno si aad halkaad u socoteen ee ujeedadu fadhiday aad u tagtaan.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Abwaan Hadrawi, wuxuu isweydiyay su’alo ku saabsan colaadan joogtada ah ee ka taagan gobalada bari, waxaanu yidhi “Waar colaadan joogtada ah iyo dhiigan daadanaya ee keenaya nacaybka ee keenaya naxariis darada iyo kala guurka iyo xasilooni darada ee keenaya in lagu cadaab muto, waar umadeenu miyaanay islaam ahayn, in alaala inta Alle cadhadiisa keenta ee lagu dhaqan guuro ee lagu dhalan guuro ayay colaadu dabada ku haysaa.”

Abwaanku, wuxuu sheegay in awowyaashii hore eek u noolaan jiray dhulka Somaliland ay dejiyeen qorshe nabadeed oo ay umaddu ku wada noolaan karto oo ah in la helo jid uu qof waliba ku nabad galo marka uu tago deegaan midka aanu u dhalan, “Haddii aan hoos u daadegno dagaalkan dhacaya maxaa u sabab ah. Waxaan dib ugu noqday markii dadkii dhulka joogi jiray intay kulmeen ay yidhaahdeen ninkaasi waa reer hebel oo isku qolo ayaanu nahay oo wada dhalashadaas ayaanu wax ku wadaagnaa oo xeer noogu dhexeeyaa, ninkaas aanaan wada dhalan maxaa isu keen keeni kara, waxay yidhaahdeen waar si ay beeshu u wada daaqdo meesha uu roobku ka da’o, sidee ayay ku nabad galaysaa marka uu roobku meel kale helo oo loo nabadgelayaa, hadduu qofku socdaalo oo deegaanka uu ka dhashay ka baxo side ayuu  beeshaas kale uu ugu nabadgelayaa ee loogu soo dhawaynayaa.”

Isagoo abwaanku dulucda ku soo dhawaanaya una sharaxaya aragtidiisa si ay xikmadi ka muuqato, wuxuu yidhi  “Waa marka la yidhi waa in la sameeyaa in dadku noqdo tol ama xidid waa si wax la isugu wada noqdo, gabadh ayaa isu keentay labadaas dhinac, markaas halkaas ayay ka abaareen si lo wada noolaado oo ay nabadgelyo u jirto. Markaas imika wax kale ma dhicin ee intii nabadda adkaynaysay ayaa meesha ka baxday oo waa la isku guryo noqday oo wax isu ahaantii ayaa meesha ka baxday dabadeedna wixii isku xidhayay ayaa meesha ka baxay.’

Ugu dambayn wuxuu soo jeediyay si xasiloonida iyo wada noolaashuhu u sii adkaado in lagu noqdo dhaqankii hore ee guur wanaaga, waxaanu yidhi “Markaas waxaan leeyahay aynu dib ugu noqo dhaqankeenii iyo sidii ay umadii hore nabadda u adkaysay ee wiilka colaad lagu qabto aan loo dili jirin ee la odhan jiray heblaayaa dhashay. Anigu waxaan leeyahay haddii nabad jirta oo waarta oo xasilooni ah la doonayo waa in dhaqankii hore la soo celiyaa oo aan la isku guryo noqon oo nin waliba aanu inaadeertii guursan ee uu nin waliba inaabtidii guursado oo dadku noqdo tol iyo xidid.”